4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 16, 2016
NEW YORK: Maxkamad min 11-sanno oo Xabsi ah ku Xukuntay laba Ruux oo Somali-Swedish ah


Sabti, Janaayo 16, 2016 (HOL) — Laba qof oo Asal ahaan ka soo jeeda dalka Somalia, isla markaana haysta dhalashada dalka Sweden ayaa maxkamad ku taala Maraykanka waxay ku riday xukun kadib markii lagu heley in ay ka mid ahaayeen dagaalyahanada al-Shabaab, isla markaane dagaalo dhowr ah kaso qayb-galay.

Dacwad-oogaha maxkmadda ayaa sheegey in Cali Yaasiin Axmed 31-jir ah iyo Maxamed Yusuf oo 33-jir ah ay ka qayb-qaateen dagaallo ka dhacay Muqdisho; iyagaoo ka mid ahaa dagaal-yahannada Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Labadan qof ee soomaalida ah haystane dhalashada Sweden ayaa maxkamadda New York, Brooklyn waxay ku ridey xukun ah 11 sano oo xabsi ah.

Sido kale dacwad oogaha labadan muwaadin ee soomaaliga ah ayaa sheegey in labadan nin ay ka safreen guryahoodi oo ku yaala dalka Sweden Sannadkii 2008, waxayna tababarro ku qaateen xerooyin ay leeyihiin al-Shabaab.

Dhanka kale mid ka mid ah labada nin ayaa ka qayb-qaatay calad muuqaal ah oo dacaayad loogu samaynaayo al-Shabaab sida uu sheegay dacwad-ooguhu labada nin.

Si kasta ha ahaatee, Xagaagii 2012-kii ayaa labadan nin lagu qabtay Jabuuti iyagoo u socda Yemen; waxaana xukuumadda Sweden ay ku guuldareysatey in iyaga lagu wareejiyo, hase ahaate bishii Nofeember 2012 ayaa gacanta loo geliyey dalka Maraykanka. Dacwadda lagu oogay waxaa ka mid ahaa caddeymo ay soo gudbisey hay’adda sirdoonka Sweden ee Sapo.

Cumar Muxumad (Cumar Kiyow)
E-mail:
[email protected]  
Johannesburg, Koonfur Afrika