4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2016
SAWIRRO: Siminaar lagu baranayay Federaalka oo Nairobi loogu xiray Mas’uuliyiin Soomaali ah


Jimco, Janaayo 15, 2016 (HOL) — Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya  ayaa maanta Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ugu soo xiray Simimnaar muddo saddex maalmood ah u socday xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulada hoos yimaada.

Kulanka lagu soo xiray siminnaarka oo ay soo qaban-qabisay Madasha Federaalka (Forum for Federalism) oo markii hore lagu aasaasay dalka Canada oo ka howl-gasha wadamo kala duwan, ayaa waxaa ka qeab galay mas'uuliyiin qaarkood xilal sare kasoo qabtay wadamada Canada iyo Somalia.

Wasiir u dowlaha warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xasan (Bekos) oo marti-sharaf ku ahaa siminnaarka ayaa sheegay in Federaalka ay hadda haysato Somalia uu yahay Qaanuun KMG ah oo ku saleysan 4.5, isagoo xusay in Shacabka Soomaaliyeed ay u Taallo inay isku waafaqaan nooca federaalka ah ee ay doonayaan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale hadallo kala duwan ka jeediyay mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil oo horay u soo noqday wasiirkii dastuurka Soomaaliya. David Angell oo ah safiirka dowladda Canada u fadhiyo Kenya iyo siyaasiga Bob Rae oo horay u noqday hogaamiyaha xisbiga Liberal-ka ee dalka Canada iyo xubin ka tirsan baarlamanka Ontario, soona noqday ra'iisal wasaaraha ama gobolka Ontario, Toronto ee dalka Canada.

Bob Rae oo ah khabiir ku takhsusay Federalka, ayaa ka hadlay Federaalka iyo qaabka ay ugu midoobeen wadamada waa weyn ee Caalamka ay ka mid yihiin Canada, America iyo Australia.

Sidoo kale, wuxuu xusay in federaalku uu Somalia u keeni karo Midnimo, Dimuqraadiyad iyo horumar - haddii si wanaagsan looga faa'ideysto. Isagoona nidaamkan ku tilmaamay in uu yahay midka ay ku kala badbaadi karaan bulshooyin ay dagaallo soo dhex-mareen.

Dhanka kale, Abdirisak Mohamed Aden oo ah Guddoomiyaha Hay'ada Far-sight Africa oo ah hay'adda sameyso cilmi-baaris kuna xeel-dheer arrimaha warbaahinta; sidoo kalana ahaa guddoomiyiha tababarka ayaa HOL u sheegay in kulanku uu ku saabsanaa nooca uu yahay Federaalka Somalia iyo waxyaabaha laga faa'iidi karo.

"Federaalka micnihiisa waa in dadku ay is-maamulaan oo maamulku uu dadka ka yimaado iyo in la dhisto dowlad la wada-leeyahay oo dadka oo dhan ka dhaxeyso" ayuu yiri Aadan oo HOL u warramayay. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya