4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2016
Madaxweynaha Kenya oo sheegay in Al-shabaab ay tiro ciidamadooda ah ku dileen gudaha Somlia


Jimco, Janaayo 15, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay Jimcaha maanta ah in tiro ciidamadooda AMISOM ka tirsan ay Al-shabaab dishay, kaddib markii ay weerareen saldhig ay ku lahaayeen Somalia, laakiin ma sheegin tirada ciidamada laga dilay, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay ku dileen weerarkaas 63-askari oo Kenyan ah.

Uhuru Kenyatta ayaa ku Tilmaamay ciidamada ay ku waayeen dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo mid si weyn looga Argagaxo, isagoo tacsi u diray ehelladii iyo qoysaskii askartooda la laayay.

“Nasiib-darro, tiro ka mid ah askarteenna geesiyaasha oo ku labisnaa dharka ciidankeenna ayaa la dilay,” ayuu Kenyatta ku yiri war-saxaafadeed uu maanta soo saaray, isagoo intaas ku daray. “Waxaan doonayaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan murugada la Qayb-sanayno qoysaska askartan la dilay, waxaana leeyahay, Waan idin Garab-taagan nahay, Qaranka oo dhanna way idin garab taagan yihiin.”

Afhayeenka hawl-gallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ee AMISOM ay ku dileen 63-askari, ayna la wareegeen saldhigga iyo deegaanka Ceel-cadde.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo kuna dhaw xadka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan, iyadoo taliska AMISOM ay dhankooda xuseen in dagaalka ay ka dhasheen khasaare, balse ma bixin faahfaahin ka badan intaas.

Sidoo kale, Axmed Xasan oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo ku sugan Ceel-waaq ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in weerarku uu ku billowday qarax ismiidaamin ah, kaddibna ay xoogaggii Al-shabaab gudaha u galeen saldhigga.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa bishii September ee Sanadkii hore 2015-kii; waxay sidan oo kale weerar ugu qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay ku dileen tiro ka tirsanaa ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Ugu dambeyn, inkastoo Al-shabaab deegaano badan oo Koonfurta Somalia ku yaalla looga qabsaday weerarro ay wadajir u qaadeen ciidamada dowladda Somalia & kuwa AMISOM, ayaa haddana waxay awood u leedahay inay weerarro kala duwan la beegsato saldhigyada AMISOM iyo deegaannada ay dowladda Somalia ka taliso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya