4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2016
SIERRA Leone oo mar kale lagu Arkay kiis cusub oo ah Virus-ka uu ka dhasho Cudurka EBOLA


Jimco, Janaayo 15, 2016 (HOL) — Sarkaal ku sugan waddanka Sierra Leone ayaa sheegay in Fayruska dhaliya Cudurka EBOLA laga helay maydka qof uu cudurkan dilay, kaddib hal maalin markii ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ku dhawaaqay in laga cirib-tiray cudurka Ebeola gobolka Galbeedka Afrika.

Hay’adda WHO ayaa Warbixin ay soo saartay manta ku sheegtay inay Xaqiijinayso kiiska cudurka Ebola ee laga helay maydka haweeney 25-jir ah oo xanuunsatay; taasoo dhimatay horraantii bishan lagu jiro ee Jannaayo, 2016-ka.

Sidoo kale, WHO ayaa intaas ku dartay in arrintan uu macanaheedu yahay inay feejignaan dheeraad ah oo lagula soconayo cudurkaan uu jiro; lagana Jawaabi doono bilaha soo socda, si la isugu diyaariyo ka hortagga in cudurka uu dib u dillaaco Sierra Leone.

Maalintii shalay ahayd ayay hay’adda WHO waxay ku dhawaaqday inuu cudurka Ebola uu ka dhammaaday dalka Liberia, taasoo macanaheedu ahaa in dhamaan saddexdii waddan ee xuddunta u ahaa cudurka Ebola ee Galbeedka Afrika ay ka madax-bannaan yihiin xilligan cudurka Ebola.

Ku dhawaaqista Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ku dhawaaqday in Cudurka Ebola laga cirib-tiray Galbeedka Afrika ayaa yimid kaddib markii 42-maalmood wax kiisas cusub oo cudurka Ebola ah aan lagu arag dalka Liberia.

Waddanka Sierra Leone ayaa wuxuu cudurkan ku dilay ku dhawaad 4,000 ruux ka hor intii uusan dalkaas ku dhawaaqin in cudurka Ebola uu ka dhamaaday bishii November 2015-kii. Iyadoo sidoo kalena Waddanka Guinea uu isna bishii December ee 2015-kii ku dhawaaqay in cudurku ka dhammaaday.

Ugu dambeyn, Cudurka EBOLA ayaa dalalka Sierra Leone, Guinea & Libiya oo ku yaalla Galbeedka Afrika ku dilay 11,000 oo qof, wuxuuna haleeyay 28,000 oo qof tan iyo markii uu cudurkan ka dillaacay dalalkaas sannadkii 2013-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya