4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 15, 2016
Al-shabaab oo Weerar ku Qaadday Saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya


Jimco, Janaayo 15, 2016 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Al-shabaaab ayaa weeraray saldhig ciidan ay ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ku leeyihiin deegaanka Ceel-cade oo ka tirsan gobolka Gedo una dhow xuduudda Kenya iyo Somalia

Al-shabaab ayaa weerarkan ku billowday gaari waxyaalaha qarxa laga buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka laga galo saldhigan millateri, iyagoo markaas kaddibna saldhigga gudaha u galay.

Afhayeenka howlgalada ee Al-shabaab C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay la wareegeen xoogaggoodu ay galeen saldhigga. Isagoo yir. Xoogageennu waxay gudaha u galeen saldhigan wayna qabsadeen.”

Sidoo kale, lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan, wuxuuna noqonayaa weerarkii ugu horreeyay noociisa oo lagu qaado saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha Somalia.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay weerarro noocan oo kale ah ugu qaaday saldhigyo ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo ay ku dilshay tiro badan oo ka mid ah ciidamada ka socda dalalka Uganda iyo Burundi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqqdisho, Soomaaliya