10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2016
SAWIRRO: Kulan looga horjeedo shirka Jowhar oo Maanta ka dhacay degmada Beledweyne


Talaado, Janaayo 12, 2016 (HOL) — Kulanka oo noqonaya kii ugu ballaaran oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhaca magaalada Beledweyne, ayaa waxaa ka qayb-gallay, siyaasiyiin, waxgarad, odayaal-dhaqameed, haween & dhallinyarro kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.

Nabaddoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in shirka maanta ka furmaya Jowhar sidda uu hadalka u dhigay yahay mid talladiisa la wadda laheyn, madaama ayuu yiri illaa iyo hadda aan fasiraad cad laga bixin sida ay uu qorshaha dhismaha maamulka labada gobol u socdo.

“Waxaan ka war-helay diyaarad saakay fadhida garoonka Ugaas Khaliif oo la yiri waxaa lagu daabulayaa ergadii Gobolka Hiiraan uga Qayb-gali lahayd shirka, waxaan leenahay sidaa shir loogama qeyb-gallo, marka hore waa in bulshada maamulka sameysaneysa wada fariistaan kana wadahadllaan waxay ku shirkoobayaan iyo sida uu maamulka u dhismayo, sidaa daraadeed madaxweynaha Soomaaliya waxaan ku war-galineynaa in shirka Jowhar beesha aan ku abtirsanno aysan ka qeyb-gali doonin'' ayuu yiri nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale.

Nabaddoon Faarax Raage oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa isna sheegay inuu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee kulanka kula yeeshay Beledweyne madaxweyne Xassan Sheekh, laakiinse wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dhammaan balamadii ay wadda galleen madaxweynaha uu ka baxay.

“Annagu reer Jowhar ma diidanin, in maamul loo sameeyo labada gobolna kama soo Hor-jeedno, laakiinse waxaa wanaagsan in wixii lagu balamay fulaan, annaga madaxweynaha mowqifkeeda dhismaha maamulka labada gobol waan u sheegnay, waxaana uu naga balan-qaaday inuu fulinayo, balse hadda waxaa noo soo baxay oo aan ogaanay in madaxweynaha hishiiskii aan galnay iyo ballantii aynu laheyn uu ka baxay, sidaas awgeed annagana waan ka baxnay dhankeena balantii aan la galnay madaxweynaha Somalia ee ku aadanayd shirka Jowhar in laga qayb-galo," ayuu yiri Nabaddoon Faarax Raage.

Nabaddoon Maxamed Sheekh Aadan iyo Nabaddoon Shuuriye Xusseen Xaayoow oo ka mid ahaa guddigii odayaasha ahaa ee madaxweynaha kula shiray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in shirka Jowhar laga weeciyay sida ay hadalka u dhigeen wajigii uu markii hore lahaa, intaa kaddib isla garteen in ka qeyb-galka shirka degmada Jowhar wax faa'iido ah u laheyn sidda ay hadalka u dhigeen bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa sidoo kale, waxaa hadalo kala duwan ka soo jeeday siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan kuwaa oo dhamaantood isku raacay in dib leysugu laabto kulan wadda-tashi ah oo lagu lafa-gurayo masiirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.

Kulanka Beledweyne, ayaa kusoo beegmay xilli loo ballansan yahay in maanta uu si rasmi ah uga furmo Magaalada Jowhar Shirka dhismaha Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya