10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2016
Madaxweynaha Somalia oo si rasmi ah u saxiixay Sharciga Saxaafadda Dalka (Akhri Wareegtada)

Axad, Janaayo 10, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa shalay oo Sabti ahayd saxiixay sharciga saxaafadda Somalia ee ay dhawaan ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka Somalia, kaasoo saxaafadda dalka Somalia lagu dhaqi doono wixii hadda ka dambeeya.

Saxiixa madaxweynaha Soomaaliya saxiixay Sharcigaan ayaa ka dhigay inuu yahay mid si sharci ah u hir-galaya, iyadoo markii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay sharcigaan la sheegay inay dhiman tahay inuu madaxweynuhu saxiixo si uu dhaqan-gal u noqdo.

AKHRISO; Wareegtada uu Madaxweynuhu ku saxiixay sharciga Saxaafada Somalia;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya