10/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 7 , 2016
Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Gedo oo Qarax Baabuur ku Dhaawacmay Maanta (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 07, 2016 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Al-qaadi) ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo la doonayay in lagu dilo, ayadoo gudoomiyaha uu qaraxaasi kasoo gaaray dhaawac.

Al-qaadi ayaa la sheegay in qaraxa gaarigiisa loogu xiray, uuna la qarxay xili uu ku socday xafiiskiisa, Waxaana Waqtigaasi gaariga la saarnaa hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Gudoomiye ku xigeenka oo qadka telefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa sheegay inuu caafimaad qabo isla markaana uu soo gaaray firir yar, xilligaanna uu ku sugan yahay gurigiisa.

Sidoo kale, Waxaa Qaraxa ka badbaaday Askarigii ilaalada u ahaa gudoomiye ku xigeenka, iyadoo la sheegay in Qaraxa lagu xiray kursiga hore ee gaariga, uuna Bur-buriyay Qayb ka mid ah gaariga, walow kuraastii ay fadhiyeen gudoomiyaha oo xilligaasi gaariga waday iyo askariga kale ee ilaaladiisa aysan waxba gaarin.

"Anigu waan caafimaad qabaa, firir yar ayaa i gaaray, Ilaah waa iga badbaadiyay, qofkii ay tiisa soo dhammaato ayaa dhinto, Insha'allah ciddii ka danbeeysayna gacanta ayaa lagu soo dhigi doonaa," ayuu yiri Al-qaadi.

Wuxuu gudoomiye ku xigeenku  sheegay in weerarka ay ka danbeeyso kooxda Al-shabaab, isagoo intaa ku daray in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda fududeeysay Qaraxa.

Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii Kooxo Hubeysan ay Magaalada Baardheere ku dhaawaceen Guddoomiyihii Maxkamadda Degmadaas.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Somaaliya