Xabad joojin dhawaan in badan oo ka mid ah darfaha ku dagaalamaya Suuriya ay gaareen ayaa la filayaa inay taaba gasho abaare saqda dhexe ee caawa. Si kastaba ha ahaatee marka loo eego danta dalkiisa Mareykanka ayaa dabcan uusan Obama dooneyn in dagaalka Suuriya durba uu dhammaado ama lasoo afjaro marka la eego hadaladiisa maadaama uu sheegay inuusan jiri doonin xilli degdeg ah oo dagaalka Suuriya uu ku dhammaanayo.
Mareykanka iyo Madaxweyne Obama ayaa ku adkeysta in madaxweynaha Suuriya, Bishaar Al-Asad uu xilka iska wareejiyo oo sidaa ayay u arkaan inuu xalka Suuriya kujiro hase ahaatee Madaxweyne Bishaar Al-Asad iyo xulafadiisa ayaa ku celceliya iyana in arintaasi tahay mid dadka reer Suuriya u taal ee cid kale innaba aysan wax ka khuseyn.
