12/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 14, 2016
SAWIRRO: Ciidamada Cirka Somalia oo Maanta Xusay Sannad-guuradii 56-aad ee Aas-aaskooda


Axad, Feberaayo 14, 2016 (HOL) — Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa Maanta u Dabaal-dagay Sannad-guuradii 56-aad ee kasoo Wareegtay markii la Aasaasay, waxaana Xafladda Dabaal-dagga ka qayb-galay RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte & Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini.

RW ku xigeenka Soomaaliya oo Hadal ka jeediyay Munaasabadda, ayaa u si gaar ah u ugu mahad-naqay ciidanka qalabka sida ee Somalia, gaar ahaana ciidanka cirka Soomaaliya iyo Qoysaskooda.

Sidoo kale, Carte ayaa ka hadlay muhiimadda ay ciidamada Cirku u leeyihiin DFS iyo sida ay ugu baahan yihiin in lasoo celiyo Sumcaddii iyo Sharaftii ay Horay u lahaayeen, isagoo u mahad-caliyay dhamaan saraakiishii Soomaaliyeed ee ka qayb-qaatay dhismaha ciidanka Cirka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay Haweenaydii ugu Horreysay ee Soomaaliyeed oo Duuliye ka noqota Ciidamada Cirka Soomaaliya, Dhamme Asli Calan-side.

“Waxaan ka xumahay in Xaruntii Wasaaradda Difaaca Somalia iyo Xaruntii ciidanka cirka Soomaaliya ay sidan u bur-bur-sanaato, waxaan idinka codsanayaa in la dhiso xaruntaas oo Sannadka dambe ay sidaan ka duwanaato, si loo xuso taariikhdii ay lahayd. Dalkaan wixii sababay burburka dalkan, waxaa ka mid ahaa cadaalad-xumo iyo siyaasad-xumo, waxaana muhiim ah inay innaga go’naato inaysan taasoo kale dib inoogu soo laaban,” ayuu yiri RW ku xigeenka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ciidanka Cirka Somalia ayaa waxaa la Aasaasay sannadkii 1960-kii, iyagoo ka soo Qayb-qaatay Hal-gankii iyo Horumarkii uu Waddankaan lahaa, Waxaana si gaar ah loo xusi karaa gacantii ay ka gaysteen fatahaadihii dhacday Sannadkii 1962-kii iyo Abaartii daba-dheer ee Sannadkii 1974-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya