9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 26, 2016
Dagaal gobolka Sh/dhexe ku dhaxmaray ciidamado ka wada tirsan dowladda



Isniin, December, 26, 2016  (HOL) -  Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya xalay dagaal ku dhaxmaray deegaan lagu magacaabo Xawaadley oo ka tirsan degmada Balcad.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo ahaa mid khasaare baalaran geysatay uu ka dhashay dhulbeereed lagu murmay, waxaana wararku sheegayaa in ciidamada dagaalamay kala hogaaminayaan saraakiil ka tirsan dowladda.

Inta la xaqiijinayo ilaa lix ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah isugu jiray ayaa ku dhintay iska horimaadka dhaxmaray ciidamada ka wada tirsan dowladda.

Sidoo kale dagaalka ayaa baqdin iyo cabsi ku abuuray dadka deegaanka oo qaarkood isaga  cararay guryihiin ay ku noolaayeen iyaga oo cabsi qaba wax yeello soo gaarta.

Ugu danbeyntii, Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda oo la xiriira dagaalka ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhaxmaray gobolka Sh/dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]