4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
Kulan looga cabanayo gudiyada doorashada iyo madaxda dowlad gobolleedyada oo Muqdisho ka dhacay


Sabti, December, 17,  2017 (HOL)  Kulankan oo ay ka qeyb-galeen musharixiin, xildhibaanno, iyo qaar ka mid ah odayaasha 135ta loo asteeyay  in ay qeyb ka noqdaan hanaanka doorasho ee dalka, ayaa  sheegay in aan cadaalad loo maamulin soo xulistii xildhibaannada aqalka hoose ee gobollada dalka.

Gaar ahaan waxaa ay ku eedeeyeen gudiyada doorashada iyo madaxda dowlad goboleedyada in ay musuq -maasuqeen doorashada, iyaga oo baaq u diray  beesha caalamka iyo guud ahaanba dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ay  soo saareen ayeey uga dalbadeen guddiga madaxabanaan  ee xalinta khilaafaadka in ay cadeeyaan habkii ay u gaareen go’aankii ka soo baxay 14bishan ee lagu laalay 11ka kursi, iyadoo ay jiraan kuraas intaa ka badan oo horay beesha caalamka ugu soo gudbiyeen.

Musuq –maasuqa dhacay ayeey ku tilmaameen mid ka baxaad weynaa inta  in la soo bandhigay , iyaga oo dalbaday in si sharuud la’aan ah loo joojiyo  kuraasta kale ee wali muranka iyo khilaafka uu ka jiro.

War-saxaafadeed ayaa lagu qoray in doorashadan aheyd fursad mudo dheer ay sugayeen umadda Soomaaliyeed, siddaa daraadeed sidda ay hadalka u dhigeen indhaha laga qabsado cadaalada darada baahsan ee ka dhacday xarumaha dowlad gobolleedyada.

Ugu danbeyntii, odayaasha, xildhibaannada iyo musharixiintii ka qeyb-gashay kulanka ayaa dalbaday in laga jawaabo codsiyada ka yimid beesha caalamka ee la xiriira in guddiyada doorashada sharaxaad ka bixiyaan kuraasta aan wali go’aanka laga gaarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyne, Soomaaliya