4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2016
Shirweynihii 2aad ee ganacsiga Islii oo maanta la qabtay

Sabti, Diseembar 17, 2016 [HOL]-Waxaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee Eastleigh High School ee xaafada Islii shirweynihii 2aad ee ganacsiga Islii.

Shirweynihii 2aad ee ganacsiga Islii ayaa looga gol lahaa sidii natiijo wanaagsan loo muujin lahaa iyo sidii mulkiileyaasha iyo masuuliyiinta ganacsigu u ogeysiin lahaayeen dadweynaha badeecooyinka iyo adeegyada shirkadahooda.

Waxaa sidoo kale looga hadlay xaqiiqooyinka wanaagsan ee ganacsiga xaafada Islii ee Nairobi Kenya. Sidoo kale ayuu ku saabsanaa istaraatiijiyadaha sii wadidda waxyaabaha ay Islii ku wanaagsan tahay maadaama ay tahay xarun ganacsi.

Waxaa kasoo qeyb galay maalgashadeyaal dhanka dawlada Kenya ah iyo maalgashadeyaal khaas ah kuwaasoo ka kala yimid Nairobi iyo qeybo kale oo dalka Kenya ka tirsan.

Waxaa Axmed Maxamed oo ka tirsan Ark Media uu sheegay in la doonayo in sare loo qaado wacyiga ganacsiga Islii. Ark Media ayaa isku soo duba riday shirweynahaa.

Marti sharafka ugu weyn ayaa ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xassan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xassan


Shirkadaha shirweynaha damaanad qaaday ama taageeray ayaa waxaa kujiray Dahabshiil, Safaricom, Kenya Power, Super Loaf, Kilimanjaro Food Court (KFC), Shark Energy Drinks, Yare Business Park, Ally Baba, Medina Chemicals Ltd, African Salihiya iyo Kenya Pipeline.

Warbaahinta ayaa iyana qeybaheeda kala duwan xaadir ay ku ahayd shirka waxaana yimid wariyeyaal ka socday bartan wararka ee Hiiraan Online, HCTV, Universal TV, RTN, Ark Media oo dabcan soo qabanqaabisay shirweynaha, STN, The Standard, Nation iyo bahda warbaahinta ee shirkado kale oo warbaahineed oo wararka kusaabsan shirweynaha inay tebiyaan doonayay isla markaana duubayay.

Martidii khudbadaha shirkaa ka jeedisay ayaa waxaa ku jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xassan, Ibraahim Xuseen, oo ah guddoomiyaha ururka ganacsatada Islii iyo Charles Maura oo ka tirsan Kenya Power una qaabilsan nawaaxiga waqooyiga Nairobi.

Ibraahim Xuseen, oo ah Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Islii


Jacfar Sheekh Cabdulqadir, Kenya Commercial Bank [KCB], Agaasimaha Suuqgeynta Dahabshiil, Axmed Cabdi Cilmi, Rahma Jilo oo ah abukaate, Ahmed Qadar oo ah agaasimaha Ark Media iyo mas'uuliyiin kale ayaa halkaa xaadir ku ahaa sidoo kalena halkaa khudbado muhiim ahaa kasoo jeedshay.

'KCB ahaan waanu ka maqsuudnay Islii horumarka ka socda. Dhammaan banuugta ayaa halkaan kusugan. Waa cududa aad leedihiin hadii aad tihiin bulshada Islii. Dadaalkaan ayaa gacan ka geysan doona inaad qaabeysaan ganacsiyadiina una fududeyn doona dadka inay badeecooyin ka keenaan dacalada dunida oo ay guryihiina agtooda keenaan'. Jacfar Sheekh Cabdulqadir, oo ka socday Kenya Commercial Bank ayaa sidaa yiri.

Wuxuu intaa ku daray in la xiriirin karo dhammaan ganacsiyada halkaan Islii fadhigoodu yahay si dawr wanaagsan ay uga ciyaaraan saaxada ganacsiga.

'Nawaaxiga Islii ka urur ahaan dadka ayaanu ku taageernaa sidii noloshu ugu hagaagi lahayd. Waxaanu ballan qaadeynaa in aanu horumarino adeegga korontada maalinba maalinta ka dambeysa'. Charles Maura oo shirkada korontada ee Kenya Power ka tirsan ayaa sidaa yiri.

Wuxuu sheegay oo kale Mr. Charles Maura in xafiis macaamiishooda cabashadooda wax ka qabta uu kuyaalo xaafada Islii.

'Waxaanu Dahabshiil ahaan ku faraxsan nahay inaan qeyb ka nahay shirkadaha adeegyada ka bixiya Islii. Islii ayaan ganacsatada iyo bulshada ka caawinaa helitaanka lacagaha dibadda looga soo xawilo waxaana ku faraxsan nahay inaan noloshooda sare u qaadno. Waxaanu diyaar u nahay inaan la shaqeyno bulshada ganacsiga iyo soo qabanqaabiyeyaasha si aanu u horumarino mandaqadeena. Islii waa caasimad caasimad ku dhextaala. Wax walba oo wanaagsan waad ka heli kartaa inaan shirkaan kasoo qeyb galana sharaf ayay ii tahay waadna mahadsan tihiin'. Agaasimaha Suuqgeynta Dahabshiil, Axmed Cabdi Cilmi ayaa sidaa yiri.

'Islii waa xarun aanu ku faraxsan nahay. Islii muuqaalkeedu waa uu is baddaly. Ganacsiga Islii guud ahaan waa qiyaas ahaan 100 bilyan oo shilinka Kenya ah. Meesha nawaaxi ahaan ganacsi ahaan noogu soo dhow waa xarunta dhexe ee ganacsiga-CBD'. Sidaa ayuu yiri Ibraahim Xuseen, guddoomiya ururka ganacsatada Islii.

Islii ayaa laga maqsuuday inay noqon karto Dubai-da Kenya. Boqolkiiba sodon iyo shan (35%) dekhliga canshuurta ee Nairobi ayaa waxaa uu kasoo xaroodaa Islii sida shirka laga xusay.

Shirweynihii 1aad ee ganacsiga Islii ayaa dhacay sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2015. Kanina dabcan waa kii labaad ayadoo sanad walba la damacsan yahay in ugu yaraan mar sidaan oo kale loo qabto shirkaan oo kale.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]