Labo Gabdhood oo Soomali ah oo lagu Dilay Canada iyo Booliska oo xiray labo qof oo laga Shakiyay
Sabti, December, 17, 2016 (HOL) - Laba
gabdhood oo Somali Canadian ah ayaa laga
helay gurigooda ,iyaga oo mayd ah sida
ay shaacisay laanta danbi baarista booliska ee Canada , waana kiisaskii 23-aad
iyo 24-aad oo oo sanadkan gudihiisa ka dhaca Ottowa.
Booliska ayaa
laga soo wacay guri ku yaala jidka McCarthy abaaro sagaalkii fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ka dib markii la helay
maydka labadan gabdhood oo da’dooda lagu kala sheegay 29 iyo 32-sano.
Labadan
gabdhood oo isla dhashay ayaa lagu kala magacaaba Asma C/rixmaan iyo Nasiibo
C/rixmaan ,waxaana dilkooda loo xiray nin dhalinyaro ah oo la sheegay in lagu
qabtay goob aan wax badan ka fogayn halka uu shilkani ka dhacay.
Ninka la qabtay
ayaa xirnaa dhar mad-madow waxaana la sawiray isaga oo labadiisa gacmood kula
jira jeebabkiisa shan iyo toban daqiiqo ka dib markii uu booliska soo gaaray
halka laga soo wacay.
Qof kale oo
isna dhalinyaro ah ayaa la qabtay 10 daqiiqo ka dib ,waxaana la arkayay isaga oo
wajiga dhulka loo dhigay ,isla markaana gacmaha ka xiran ,xilli tiro boolis ah
la keenay halka uu dilkani ka dhacay.
Dhismaha 3200-aad
ee jidka McCarthy ee Ottowa ayaa lagu xiray calaamad-da booliska ee astaanta u ah in aan
laga gudbi karin ,iyada oo aabaha dhalay labada gabdhood lagu magacaabo
C/rixmaan Axmed Nuur.
Ugu danbayn,Ilaa
iyo hadda lama cadayn in rag-gan la qabtay ay iyagu gaysteen dilkan oo kamid ah
kuwii uga naxdinta badnaa ee lagula kaco Somalida ku nool dalka Canada.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]