4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
Bixinta shahaadada aqoonsiga xildhibaannada oo wali ka socta Muqdisho

Sabti, December,  17, 2016 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa wali ka soconaya bixinta shahaadada aqoonsiga xildhibaannada cusub ee dhawaan la soo doortay kuwaa oo la filayo in todobaadkan gudihiisa lagu dhaariyo magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada shahaadada qaatay ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan gollaha wasiirada, oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa oo laga soo doortay degmada Cadaado, wasiiru-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha C/rashiid Max'ed Xidig oo laga soo doortay Kismaayo, wasiiru-dowlaha wasaarrada maaliyada C/llaahi Max'ed Nuur oo laga soo doortay Jowhar iyo wasiirka ammniga C/risaaq Cumar Max'ed oo laga soo doortay degmada Jowhar.

Guud ahaan marka la eegto bixinta shahaadooyinka iyo kararka aqoonsiga xildhibaannada waxaa muuqata in wali sidii loo baahnaa aysan u socon, sababo la xiriira xildhibaannada oo aan soo wadda gaarin magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaarkood lagu waramayo in ay ku xayiran yihiin gobollada dalka.

Kala maqnaashaha xildhibaannada iyo khilaafaadka wali meellaha qaar ka taagan waa ififaalo mar kale muujinaya dib u dhac ku iman kara doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo loo asteeyay in lagu soo gabagabeeyo ilaa 28ka bishan December.

Arintase ugu sii darran ayaa ah khilaafka ka abuurmay kuraasta lagu muransan yahay oo hadda noqday qodob weyn oo hor yaalla hogaamiyayaasha madasha-wadda-tashiga kaddib markii ay ku gacan seyreen go'aanka guddiga mdaxabanaan ee khilaafaadka maamul gobolleedyada dalka oo sheegay in aysan dib ugu laaban doonin doorashada xubnahan la soo celiyay.

Ugu danbeyntii, ma cadda sidda doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha loogu soo gabagabeyn karo sanadkan 2016ka, waxaana jirta baqdin laga qabo in doorashadu dib ugu dhacdo ilaa bilaha ugu soo horeeya sanadka 2017 oo maalmood kaliya naga xigaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya