4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
Howl-gallo laga sameeyay Bosaaso oo lagu soo qab-qabtay 120 Qof oo laga shakisan-yahay


Sabti, December, 17, 2016 (HOL) - Maamulka gobolka Bari ayaa sheegay in 120 Qof lagu soo qab-qabtay howl-galo ay ciidamada amniga ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Bosaaso labo maalin ka dib markii magaalada Bosaaso lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa ayaa hadalkan ka sheegay kalfadhigii 3-aad ee golaha deegaanka ,kaasi oo diiradda lagu saaray amniga ,isla markaana lagu kordhiyay howl-galada ka dhan-ka ah kooxo la sheegay in ay khal-khal galinayaan amniga.

“Dad-kan aan qabanay ,waxaan ku haynaa baaritaan-no kala duwan ,cid-dii lagu waayo wax danbi ah waa la sii dayn doonaa “ ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo si adag uga hadlay dayac  uu sheegay in uu ka jiro xag-ga amniga.

Dhado ayaa sheegay in Puntland ay xoojin doonto dagaalka lagula jiro Al-shabaab , waxaana dadka la qabtay uu sheegay in qaarkood lala xiriirinayo dilkii taliye ku xigeenkii sedexaad ee ciidamada Puntland Jaamac Saxardiid oo la beegsday xilli uu ka soo baxay hotel ku yaala magaalada Bosaaso.

Howl-galadan ayaa si aad ah uga socda xaafad-da laanta Hawada oo ah halka uu ka dhacay dilkii loo gaystay taliyaha ,mana uusan sheegin in gacanta lagu soo dhigay rag-gii fuliyay dilka Saxardiid oo lagu aasay qabuuraha Bosaso.

Ugu danbayn, Kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta gudaha Somalia ayaa sheegatay mas’uuliyad-da weerarro ka dhacay Puntland labadii sano ee la soo dhaafay , waxaana dhowr jeer hore uu dagaal toos dhex-maray ciidamada Puntland iyo kooxda Al-shabaab oo saldhig-yo ku leh buuraha Gal-gala.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]