4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
Caruur shuban biyood ugu geeriyootay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Sabti, December, 17, 2016 (HOL)  - Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ilaa 9 caruur ah maalmihii aynu soo dhaafnay ugu dhinteen degmada cudurka shuban biyood oo ka dilaacay degmada iyo deegaano hoostaga.

Caruurta iyo dadka waayeelka ayaa la sheegay in si isku mid ah uu cudurka u soo ridanayo, iyadoo labadii cisho ee la dhaafay goobaha caafimaadka la dhigay ilaa 50 ruux oo caruur u badan kuwaa oo qaba cudurkan.

Maamulka degmada Jalalaqsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee degmada ka jirta tahay dawo yari iyo xarumihii caafimaadka oo sidii loo baahnaa u shaqeyn, madaama aysan heysan tasiilaadkii ay u baahnaayeen, iyaga oo baaq u jeediyay dowladda dhexe iyo hay'addaha samafalka.

Cudurkan shuban biyaadka ayaa sidoo kale ka dilaacay magaalooyinka Beledweyne Jowhar oo ah uu maro wabiga shabeelle, waxaana ay dhaqaatiirta caafimaadka ku sababeynayaan cabista biyaha wabiga oo ah kuwa aan nadiif..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya