4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
Faah faahin ku saabsan qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Kayseri ee dalka Turkiga

Sabti, December, 17, 2016 (HOL) - Qarax ka dhacay weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu qaaday gaari bas ah ay saarnaayeen ciidamo ka tirsanaa booliiska dalka Turkiga, waxaana qaraxan ka dhashay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ugu danbeeyay ee ka soo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in ilaa 13 askari  oo ka tirsanaa booliiska dalka Turkiga ku dhinteen qaraxan oo ka dhacay magaalada Kayseri, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 48-askari oo kale.

Weerarka ismiidaamin ah ayaa la sheegay in lala eegtay gaari bas ah ay la socdeen ciidamo katirsan booliiska, waxaana gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay gaariga baska ah ay la socdeen ciidanka.

Dowlada Turkiga ayaa si weyn u cambaareesay qaraxan lala eegtay ciidanka booliiska, waxaana qaraxan lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyaan Kooxda Kurdiyiinta ee PKK.

Ugu danbeyntii, qaraxan maanta ka dhacay dalkaasi Turkiga ayaa imaanaya xili dhawaan magaalada Istanbuul uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay dad gaaraya 30-qof ay ku jiraan ciidamo katirsan booliiska Turkiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya