4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
Maamulka gobolka Banaadir oo qaadaya dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka Muqdisho

Sabti, December, 17, 2016 (HOL) -Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal lagu qaadayo dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho, taasoo dhibaato ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka caasimada.

C/fitaax Cumar Xalane oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka amar ku bixiyay in la qaado dhamaanba dhagaxyada sharci darada ah ee sida uu hadalka u dhigay ku go'an jidadka muhiim ah ee caasimada.

''Wax loo dulqaadan karo ma'aha in jidadka shaqsiyaad iyo hay'addo iska xirtaan, kuwaa oo dhibaato ku ah shacabka, maamulka gobolka Banaadir amar ayuu ku bixiyay in jidadkaa la furo'' ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Jidadka lagu guuleystay in laga qaado dhagaxyada ayaa ilaa iyo hadda ah kuwo kooban, balse waxaa wali xiran jidad muhiim ah, waxaana ka mid ah wadada hor-marta xarunta UNDP, wadada hor marta Madaxtooyadii hor ee C/qaasim ee ka baxda Isgoyska KM4 iyo qaar kaloo badan.

Xirnaashaha jidadka ayaa inta badan sababa shilalka gadiid iyo dadweynaha, waxaana xusid mudan in dhawaan mid ka mid ah gadiidka ciidamada AMISOM qof waayeel ah ku dilay wadada isgoyska KM4, madaama dadka iyo gadiidka ka isticmaalaan jidadka hal dhinac oo kaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya