4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
AMISOM oo war ka soo saartay qof rayid ah oo mid ka mid ah gadiidkooda ku dilay wadada KM4

Sabti, December, 17, 2016 (HOL) - Taliska howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maanta war hor dhac ka soo saaray qof rayid ah oo mid ka mid ah gadiidkooda booliiska ku jireen wadada gasha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isgooyska KM4.

Warka ka soo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in si lama filaan ah mid ka mid ah  gadiidkooda ugu dhacay qofka rayid ah, iyaga oo arintaa wax laga xumaado ku tilmaamay.

AMISOM ayaa sheegtay in ay bilaabayaan baaritaan la xiriira sida uu shilkaa u dhacay, waxaana guddiga qeyb ka ah sida qoraalka ku cad saraakiil ka tirsan ciidammada dowladda.

Ugu danbeyntii, wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa si weyn uga tacsiyadeeyay dhacdada.

Gaariga shilka geystay oo  ka mid ahaa kolanyo ciidammada AMISOM ah ayaa dulmaray qof haweeney da'ah oo isla goobta ku dhimatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya