4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
Xarrakada Al-shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe

Sabti, December, 17, 2016 (HOL) - Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in xalay weerar culus ku qaadeen degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, iyagoo saacado kooban  la wareegeen qeybo ka mid ah degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaalka oo ahaa mid ciidamada dowladda iyo Al-shabaab isku adeegsadeen hub culus ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsanaa ciidammada dowladda ee degmada Mahadaay.

Iska horimaadka xoogiisa ayaa ka dhacay sida ay goob joogayaasha sheegeen Buundada degmada oo fariisin u ahaa ciidamada dowladda.

Xoogaga gudaha u galay degmada ayaa ku sugnaa halkaa ilaa aroornimadii hore ee saakay oo markii danbe ay iskood isaga baxeen.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya degmada ayaa sheegaya in xiligan ku sugan yihiin ciidammada dowladda oo dib ula wareegay saakay markii ay halka isaga baxeen dagaalayahannada Al-shabaab.

Ugu danbeyntii, degmada Mahadaay ayaa u jirta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexee qiyaastii 27KM, waana markii u horeysay ee Al-Shabaab soo weeraraan, tan iyo markii la dhisay maamulka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]\
Beledwyene, Soomaliya