4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2016
Kolonyo gadiid oo ay la socdeen dadkii ka soo qaxay bariga Xalab oo la weeraray
Sabti, December, 17, 2016 (HOL) -Afar qof oo kamid ahaa kolonyo siday dad kasoo cararay magaalada lagu hareereeysanyahay ee Xalab ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada dowladda Suuriya, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogeyaal, ayadoo weerarkan dhacay kahor inta aan la joojin heshiiskii ay magaalada uga baxayeen dadka shacabka ah iyo maleeyshiyaadka mucaaradka.

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa la sheegay in rakaabkii la socday kolonyada ay xabsiga dhigeen, kahor inta aysan ku qasbin in ay dib ugu laabtaan bariga magaalada Xalab oo ay kasoo qaxeen.

Wariyaha Al-jazeera uga soo waramo bariga Xalab ayaa sheegay in ciidamada Suuriya ay rasaas ku fureen kolonyada oo gaareeysay tobannaan kun oo isugu jiray shacab iyo maleeyshiyaad ka tirsan kooxaha mucaaradka Suuriya.

"Waxay si qasab ah nooga soo dejiyeen gaadiidka, waxay nagu amreen in aaan xabadka dhulka dhigno, waxay naga siibeen dharkii, kadibna waxaan maqalnay rasaas," sidaa waxaa yiri mid kamid ah dadkii la socday kolonyada la celiyay.

Waxa uu ninkani intaa ku daray in markii ay soo kaceen ay ogaadeen in afar kamid ah dadkii la socday la dilay.

Dowladda Suuriya ayaa joojisay dadkii isaga guurayay magaalada Xalab, taa oo soo bilaabatay maalintii Khamiista, waxayna arintan qeyb ka ahayd heshiis xabad joojin ah oo ay magaalada ugs baxayaan shacabka iyo Mucaaradka oo ay si wadajir ah u gaareen ciidamada daacadda u ah Bashar Al-assad iyo Mucaaradka.

Dowladda ayaa ku eedeeysay mucaaradka in ay si qarsoodi ah magaalada ugala baxayeen Hub culus iyo maxaabiis.

In ka baxan 40 bas iyo gaadiidka gurmadka degdegga ah oo ay saarnaayeen dad ka badan 3,000 oo qof ayaa isaga baxay bariga magaalada Xalab, ayagoo beegsanayay magaalada Idlib ee deriska la ah Xalab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.