4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2016
Madasha-wadda-tashiga oo warbixin ka dhageysaneysa guddiga madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka


Sabti, December, 17, 2016 (HOL) - Hogaamiyayaasha madasha-wadda-tashiga Qaran ayaa maanta  la filayaa inay warbixin dhameystiran ka dhageystaan guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kaddib markii ay maalmo ka hor laaleen natiijada doorashada 11-kursi.

Guddiga ayaa lagu waddaa in ay warbixin ka siiyaan madasha-wadda-tashiga qaabkii ay u xaliyeen cabashooyinkii hor-yaalay iyo go’aan ka gaaristooda 11-ka kursi.

Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay goob joog ka noqdaan shirka madasha oo maalintii labaad galay.

Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu kaga dalbaday guddiga xallinta khilaafaadka inay sharaxaad dhab ah ka bixiyaan sida lagu xaliyay 13 kursi oo ka mid ahaa 24-kursi oo uu horay guddiga u sheegay in dacwad adag laga keenay, iyadoo markii dmabe Guddiga uu ku soo koobay dacwadaas 11 kursi oo uu natiijada doorashadooda laalay.

Madaxda madasha ayaa shirkii shalay uga hadlay xaaladaha abaaraha, iyagoo isku raacay dhismaha guddi heer qaran ah oo ka qeyb qaata gurmadka abaaraha deegaanada gobolada dalka.

Kulanka madasha ayaa wali lagu soo qaadin in xal laga gaaray muranka ka taagan aqalka Sare ee gobolada waqooyi, iyadoo qodobkan ahaa waxyaabaha keenay in mar kale shir isugu timaado madasha.

Ugu danbeynti, madaxda Madasha ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabada dhaarinta Xildhibaanada labada aqal oo diyaar garowgeeda uu ka socdo magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maalinta berri la qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya