4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Guddiga doorashada oo hakad galiyay doorashadii xubnaha aqalka hoose ee gobolada W/qooyi

Jicmo, December, 16. 2016 (HOL) - Guddiga doorashada heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegeen in hakad la galiyay doorashadii xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi ee todobaadyadii ugu danbeeyay ka socta magaalada Muqdisho.

War guddiga uu soo dhigay bogga Twitter -ka ayaa lagu sheegay in hakad la galiyay doorashada xubnihii aqalka hoose ee gobollada W/qooyi [Soomaaliland] ilaa laga xalinayo sidda qoraalka lagu dhigay khilaafka ka taagan doorashada.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in doorashada ay saameyn weyn ku yeellatay olalaha doorasho ee u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dalka., gaar ahaan waxaa jira muran xoog leh oo ka taagan habka soo xulista ergada soo dooraneysa xildhibaannada.

Illaa hadda 19 Kursi ayaa lagu soo doortay magaalada Muqdisho, iyadoo 46 xildhibaan ay yihiin tirada kaga soo aaday aqalka Hoose, waxaana dhiman 27 xildhibaan.

Ugu danbeyntii, hakintan doorashada xubnaha aqalka hoose ayaa imaneysa xili siddoo kale khilaaf uu ka taagan yahay doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo Putland ay dood adag ka keentay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya