4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Shirweynihii dhismaha ururka MiniFootball oo lagu soo gabagabeeyay dalka Tunisiya

Jimco, Decembar, 16, 2016 (HOL) -Ururka MiniFootball ee adduunka, waa urur ku cusub adduunka oo kubbadda cagta ah oo muddo dhowr sanno laga joogo la aasaasay, waxana xusid mudan in tirada cayaartooyda garoonka ku cayaaraysa yihiin kuwo ka yar tiradiii caadi ahaan la yaqaanay ee 11ka cayaaryahan ahaa.

Waa markii u horreysey taariikhda oo ay sameystaan Qaradda Africa guddi maamula ururka MiniFootballka Qaaradda Africa.

Magaalada Tuunis waxaa isugu yimid wufuud ka kala socotay in ka badan 10 dalka oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Koofurta Afrika , Gambiya, Liibiya, Botoswana, Kenya, Kameroon iyo dalka martida loo yahay ee Tunisiya,

Dood iyo falanqeyn kedib, waxaa markii hore loo tartamey jagada Madaxweynaha ururka MiniFoodball qaarada afrika iyo labo kuxigeen.

Waxaa loo doortay Madaxweynaha ururka minifootball ee Qaaradda Africa Ashraf bin Saalax, oo ka socday dalka tunisiya. madaxweyne ku-xigeenka koowaad Dr. Cabdulqaadir Maxamed Cadeey oo ka socday dalka Soomaaliya. madaxweyne ku xigeenka labaad Ing xuseen, oo ka socday daka Liibiya.

Intaa kaddib waxaa la sameeyay isku aadkii kooxaha MiniFootball qaaradaa Africa oo loo qeybiyey A iyo B

Group A

Soomaalya -Koofur Afrika - Gambiya

Group B

Liibiya - Tunis - Kenya

Madaxweynaha Minfootball qaaradda Afrika mudane Ashraf, waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in ururka si wada jir loogu wada shaqeeyo, lana gaarsiiyo meel sare, si uu guul ugu soo hoyo qaarada Afrika

Cabdi Xaaq guddoomiye-ku-xigeenka Soomaali Minifootball waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u soo hoyatay guul maadaama ay noqdeen Guddoomiye-ku-xigeenka ururka minifootball ee qaarada afrika. waxaana uu u mahadceliyey dadkii ka soo shaqeeyey shirkaas.

Cayaaraha isreebreebka koobka minifootball adduunka ee qaaradda afrika waxaa uu bilaabanayaan sannadka soo socda bisha 06-April-2017

Wafdiga heer qaran ee soomaalida waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka ururka somali MiniFootball mudane Cabdixaaq Maxamed, xoghayaha guud somali minifootball Aasiya mudane liiban Cabdi, Xoghayaha guud somali minifootball waqooyiga mareykanka mudane Xasan Goodax, xoghayaha guud somali minifootball UK mudane cabdulqaadir dacar iyo wariye Faarax Yaasiin.

Farah Yassin Osman, Hiiraan Online
Tunisiya