4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Micheal Keating oo war ka soo saaray kulan ay la yeesheen guddiga madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka

Jimco, December, 16, 2016 (HOL) -Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan ay la yeesheen wakiilada beesha caalamka guddiga madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka oo dhawaan soo saaray liiska 11 xildhibaan oo la sheegay in la baabi'iyay natiijadoodii doorasho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska danjiraha QM Michael Keating ayaa lagu sheegay in ay ka dalbadeen guddiga xalinta khilaafaadka  faah faahin la xiriirta kuraasta khilaafka ka taagan yahay oo ay gudigu soo celiyeen natiijadooda doorasho.

Warka ka soo baxay QM ayaa lagu sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinku ay horey beesha caalamka ugu gudbiyeen liiska 24 xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay doorashadoodii xubinimada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Somalia, hase ahaatee ay gudidu dhawaan si rasmi ah warbaahinta ugu faafisay liiska 11 xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay oo kaliya, taasina ay keentay in wakiilka QM ee Somalia iyo wadamada beesha caalamka ee daneeya geedi socodka doorashoyinka Soomaaliya ay faahfaahin dheeraad ah uga baahdaan guddiga xalinta khilaafaadka sida ay 24 kii kursi ee ay hore u sheegeen uga soo reebeen 11 kursi oo kaliya.

War-saxafadeedkan ayaa lagu sheegay in gudiga looga fadhiyo sharaxaad la xiriirta jidkii loo maray haddii la xaliyay khilaafkii ka taagnaa 13ka xubnood ee ka maqan liiska xildhibaannada la joojiyay, haddii aan xal loo helin kuraastaasina ay faahfaahin ka bixiyaan sababta ay uga reebeen liiiskan ay dhawaanta soo saaren.

QM ayaa sheegtay in hadii aan lagu darin kiisaska khilaafku ka taagnaa gaar ahaan kuwii murankoodu aadka u cuslaa ay boqon goynayso guud ahaanba habsami u socodkii doorashada.

Ugu danbeyntii, warqadan ayaa loo kala dirray madaxda  dowladda federaalka ah ee Somalia, gudoomiyaha Baarlamaanka, ra’iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale madaxwayne yaasha maamul goboleedyada Somalia ee kala ah Puntland, Jubaland, Koonfur-galbeed, Gal-mudug iyo Hir-shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya