4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Guddiga xalinta kihilaafaadka oo is adag uga jawaabay eedeynta guddiyada heer dowlad gobolleed

Jicmo, December, 16, 2016 (HOL) -  Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay si adag loogu jawaabay qoraal wadda jir ah oo ay soo saareen guddiyada heer dowlad gobolleed oo ku gacan -seyray go'aankii lagu laalay 11 kursi oo natiijadoodii la  baabi'iyay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in gudiyada doorasho ee heer dowlad gobolleed ku kaceen falal ka baxsan waajibadkii shaqo ee loo idmaday, iyaga oo ku kacay sidda qoraalka ku dhigan''  Isdaba marin iyo wax ka badal lagu sameeyay ergooyinkii saxda ahaa oo ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka'' U olaleynta, iyo ganacsiinta musharixiin gaar ah oo la soo saaray si ay u hellaan codadka ugu badan  ergada'' Iyo guud ahaanba in ay la wareegeen awoodii odayaasha oo loo baahnaa in ay soo xulaan ergooyinka islamarkaana go'aan ka gaaraan sidda ay beellaha kuraasta ugu tartamayaan.

Qoraalka ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in doodda adag ee laga keenay liiska kuraasta la laalay macnaheedu yahay sidda ay hadalka u dhigeen boor isku qarix iyo in la doonayo in lagu baabi'iyo khaladaadka doorasho ee  la gallay oo la siyaasadeeynayo.

Guddiga ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay madasha-wadda-tashiga in ay ka dhabeeyaan balan-qaadyadii ay horay u galleen, gaar ahaan hishiiskii ahaa in guddiga loo madaxbanaaneeyo qaadashada go'aamada la xiriira doorashada.

Marka la eego khilaafkan culus ee ka taagan qoraalkii ka soo baxay gudiga xalinta khilaafaadka  14, bishan maalin ka hor ee lagu joojiyay natiijadii doorasho 11 xildhibaan ayaa u muuqda mid siyaasadeed oo salka ku haya olalaha doorasho ee dhinacyada ku loolamaya awooda dalka, waxaana jira durbaba eedeymo soo baxaya oo dhigaya in guddiga xalinta khilaafaadka doorashada lafirkooda ka weecdeen in ay liiska ku soo darraan xildhibaanno la sheegay in aysan ku soo bixin hab waafaqsan nidaamka doorashada, waana tan keentay in guddiyada heer dowlad gobolleed ku tilmaamaan go'aankan soo baxay mid la musuq-maasuqay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya