4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 16, 2016
Labo askari oo boolis ah oo laaluush dad ay weydiisteen dartii loogu xiray Islii Nairobi

Jimco, Diseembar 16, 2016 [HOL]-Labo askari oo boolis ah ayaa laaluush dad ay weydiisteen dartii loogu xiray Islii Nairobi dalka Kenya.

Islii ayaa ah xaafad Soomaali badan ayadoo in badan Soomaalidu booliska ay ku eedeeyeen in laaluush ay weydiistaan kana qaataan. Labadaa askari ayaa hase ahaatee la xiray shalay Khamiistii kadib markii ay fadeexadaa ku lug yeesheen.

Arintaa ayaa timid kadib markii shacabka halkaa kunool ay gudbiyeen cabasho ka dhan ah. Askartaa labada ah ayaan wadan wax caddeyn ah oo muujinaya inay yihiin askar ama aqoonsi booliis.

Mid ka mid ah ayaa warbaahinta maxaliga ahi sheegtay inuu ka tirsan yahay ilaalada madaxtooyada Kenya halka kan kalena uu dhigto machadka booliska GSU.

Haatan ayaa saldhig boolis labadaa askari suaalo lagu weydiinayaa ayadoo la sheegay in maxkamad lala tiigsan doono.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]