4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Munaasabada dhaarinta xildhibannada cusub oo siweyn loogu diyaar-garoobay0 [Sawiro]

Jimco, December, 16, 2016 (HOL) -  Magaalada Muqdisho waxaa ka socta qaban-qaabada munaasabad ballaaran oo la filaya in lagu dhaariyo xildhibaannada labada aqal ee dhawan laga soo doortay xarumaha dowlad gobolleedyad dalka ka jira.

Munaasabada lagu dhaarinayo xildhibaannada cusub ayaa la filayaa in ay goob joog u noqdaan hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka iyo madaxda ugu sareysa Qaranka.

Goobta iyo xarunta waa  Ex School Polizio oo sanadkii 2012 ka dhacday doorashada oo siweyn loo xardhay, waxaana la dhigay tiro badan oo Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah oo ay gacanta saari doonaan mudanayaasha la filayo in dhaariyo.

Maalintii shalay oo lagu balansanaa in xildhibaannada la dhaariyo ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana warar soo baxaya sheegayaa in ka hor maalinta Axad ah la dhaarin doono xildhibaannada leysku waafaqsan yahay ee ilaa iyo hadda qaatay kaaraka aqoonsiga.

Dhinaca kale, waxaa wali soconaya diiwaan-galinta  xildhibaannada oo safsaf u qaadanaya aqoonsigooda oo ka hor inta aan la siinin maraya marxalado kala duwan oo lagu hubinayo in uu yahay xildhibaankii dhabta ahaa ee la soo doortay.

Ugu danbeyntiim ammniga xarunta ayaa siweyn weyn loo adkeeyay, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala, ciidamo kala duwan ayaa la dhigay waddooyinka iyo xaafadaha ku dhow dhow, si ay u xaqiijiyaan ammaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya