4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shirka madasha ee Muqdisho ka furmaya


Jicmo, December, 16, 2016 (HOL) -- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max'ed Cali Gaas oo gaaray galinkii danbe ee maalintii magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay shirka madasha-waddda-tashiga ee la filayo in saaacadaha soo socda  uu ka furmo Muqdisho.

Waxaa uu sheegay shirka oo socon doona muddo labo cisho ah looga wadda hadli doono dhameystirka howlaha doorashada dalka ee sanadkan 2016ka.

''Shirkan waxaa uu soconayaa sidda qorshuhu yahay muddo labo cisho ah, ajandaha ugu weyn waa gabagabeynta doorashada, waayo waxaa loo baahan yahay isbadal iyo dowlad u shaqeysa dalka iyo dadka ayuu yiri'' C/wali Max'ed Cali Gaas oo ka mid ah hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka ee ku sugan Muqdisho.

Shirkan ayaa lagu balansanaa in 13 bishan uu ka furmo Muqdisho, hasse ahaatee waxaa la sheegay in arrimo farsamo uu dib ugu dhacay, waxaana la filayaa in maanta uu ka furmo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Hogaamyayaasha dowlad gobolleedyada dalka ayaa siddoo kale lagu waddaa in ay Muqdisho uga qeyb-gallaan munaasabada dhaarinta xildhibaannada cusub ee oo la filayo in horaanta todobaadkan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Shirkii kan ka horeeyay ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray waqtiga kama danbeysta ah ee la dooranayo madaxweynaha Soomaaliya oo ku asteysan 28ka bishan December.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya