4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Taliye ku xigeenka Sedexaad ee Ciidamada Booliska Puntland oo u Geeriyooday Dhaawac Shalay loogu gaystay Bosaaso

/images/2016/Dec/
Sawirka:Jaamac Saxardiid


Jimco, December, 16, 2016 (HOL)_Taliye ku xigeenkii sedexaad ee ciidamada Puntland Jaamac Saxardiid oo shalay lagu dhaawacay magaalada Bosaaso ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaalada Bosaaso ka dib qaliin lagu sameeyay xalay saqadii dhexe.

Taliyaha ciidamada booliska Puntland C/Qaadir Shire Faarax Ereg oo la hadly HOL ayaa xaqiijiyay in Saxaradiid uu u geeriyooday dhaawac ay kooxo hubaysani shalay ugu gaysteen magaalada Bosaaso.

“Alle ha u naxariisto waxa uu ahaa muwaadin wax badan u qabtay dadkiisa ,waxaan u tacsiyaynayaa eheladi iyo qaraabadii uu ka geeriyooday” ayuu yiri taliyaha oo waraysi kooban oo dhanka taleefanka ah siiyay HOL.

Taliye Ereg ayaa shir uu shalay ku qabtay magaalada Garowe ku sheegay in la aqoonsaday wajiyada kooxihii ka danbeeyay dhaawaca loo gaystay taliyaha ,isaga oo tilmaamay in saxaafad-da loo soo bandhigi doono marka la soo qabto.

Kooxo ku hubaysnaa bastoolado ayaa Jaamac Saxardiid dhowr xabadood kaga dhuftay shafka xilli uu ka soo baxayay hotelka uu ka daganaa magaalada Bosaaso shalay galinkii hore sida ay  xaqiijiyeenn dad goob-joogayaal ah.

Ugu danbayn, kooxda al-shabaab oo ka dagaalanta gudaha Somalia oo weerarkan lala xiriirinayay ayaa sheegtay mas'uuliyad-da dilkan ,waxaana magaalada Bosaaso ka bilowday howl-galo lagu xaqiijinayo amniga. 

Faysal M. Hassan
[email protected]