4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Shirkii madasha wadda-tashiga oo la filayo in saacadaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho


Jimco, December, 16, 2016 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan inta badan hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada ka jira dalka oo la lagu waddo in ay ka qeyb-gallaan shirkii ugu danbeeyay ee madash-waddatashiga Qaran oo saacdaha soo socda  lagu waddo in uu furmo.

Shirkan oo marka la eego ajandayaasha hor yeella la oran karo waa mid ka xiiso badan shirarkii ka horeeyay ayaa siweyn diirrada loogu saari doonaa khilaaf ka ka jira doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo dood adag ay ka keentay Puntland.

Siddoo kale ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw shirka ayaa sheegaya in laga yaabo in ajandaha lagu soo daro khilaafka ka abuurmay go'aankii dhawaan ay qaateen guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee lagu laalay 11 kursi oo ka mid ah xildhibaannada la soo doortay, kaasoo khilaaf siyaasadeed oo hor leh ka dhax abuuray hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada iyo guddiga doorashada dadban ee heer federaal.

Shirkan oo ilaa galinka danbe ee maanta la filayo in uu si rasmi ah furmo, ayaa socon doona muddo labo cisho ah sidda qorshuhu yahay, waana shirkii ugu danbeeyay oo ay yeeshaan hogaamiyayaasha madasha-wadda-tashiga Qaran, madaama la filayo in dhawaan la gudagallo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo loo asteeyay in lagu soo gabagabeeyo ilaa 28bishan December.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya