4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 16, 2016
Dr. C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo cabasho doorashada ku saabsan u gudbiyay guddiga khilaafaatka

Jimco, Diseembar 16, 2016[HOL]-Dr. C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo ka tirsan beelo wax in laiska daba mariyay doorashadii xubnahooda tabanaya ayaa cabasho doorashada ku saabsan u gudbiyay guddiga khilaafaatka.

Cabasho hore oo isla guddigaas uu u gudbiyay bishii lasoo dhaafay ee Nofeembar ayaa waxaa kasoo baxay go,aamo uu sheegay inaysan sax ahayn isla markaana ku qasbay inuu cabasho kale gudiyo 14kii bishaan oo doraad ahayd.

Dr. C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo ka tirsan beelaha Qayaad/Cabdi Garaad [Beelaha Baha Nugaaleed] ayaa cabashadiisa ku xusay in Ugaas Saleebaan Ciise Nuur oo ah saxiixaha isbahaysiga Beelaha Baha Nugaaleed ugu jira 135-ka saxiixeyaal uu u asteeyay saddexda xubnood ee Aqalka Hoose beelaha Beelaha Baha Nugaaleed ka tirsan ee kala ah Xasan Ugaas, Cabdi Garaad iyo Yaxye Cabdalle.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu Dr C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ku nuuxnuuxsaday in madaxweynaha Puntland C/Wali Maxmd Cali Gaas uu ku amray guddoomiyaha guddiga doorashada ee Puntland in uu beesha Cabdi Garaad uu ku baddalo beesha Khaalid.

Sidaa daraadeed faragalintaa oo sharci darro ah kana baxsan nidaamka doorashada ayaa awday murashaxnimadiisii uu ku doonayay inuu xildhibaan Aqalka Hoose ku matalaya beeshiisa Cabdi Garaad uu noqdo.

Dr C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku cawday in go'aanada kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xallinta Khilaafaadka [GMBXKH] aysan is waafaqsanayn sidaa darteedna wali aan si buuxda cabashadiisii wax looga qaban si waafaqsan hannaanka doorashada oo wax laiska daba mariyay sida lasoo xusay.

Wuxuu Dr C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi cabashadiisii ugu dambeysay ee doraad ku xusay gabagabadii in GMBXKH go'aankiisii ku asteysnaa taariikh 30 Nofeembar 2016 uu yahay mid sharci darro ah isla markaana gaar maray go'aano kasoo baxay Madasha Wadatashiga Qaran iyo nidaamka doorashooyinka dadban ee khuseeya asteynta xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka iyo weliba wixii laisku raacay shirkii Nairobi ee Agoosto 2012 oo ahaa inaan wax laga baddali karin xubnaha beesha Dhulbahante ee kujira 135-ka oday dhaqameed arintaas oo iyana aad loogu xad gudbay.

Dr C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa cabashada uu diray 14 Diseembar 2016 ku xusay in go'aankii GMBXKH ee isla maalintaa taariikhdu ahayd 14 Diseembar 2016 uu ka dhigay Boqor Cabdullaahi Axmed Cali inuu yahay xubinta 136aad ee oday dhaqameedyada saxiixeyaasha ah!

GMBXKH ayuu Dr C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi cabashadiisa ku sheegay inuusan arintaa u lahayn awood uu ku abuuro oo aysan awoodaha lasiiyay kujirin.

Xataa waxay arintaasi ka baxsan tahay awooda Madasha Wadatashiga Qaran. 'Xataa waxaa aan awood u lahayn Madasha Wadatashiga Qaran'. Sidaa ayuu ku xusay cabashadiisa  14 Diseembar 2016 Dr C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Dr C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxaa cabashadiisa uu ku xusay in go,aankii GMBXKH ee 14 Diseembar 2016 uu si sharci darro ah uga xayuubiyay Ugaas Saleebaan Ciise Nuur awoodii asteynta iyo saxiixa ka oday dhaqameed ahaan ka mid ah 135-ka saxiixeyaal.

Dr C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka codsanaya xubnaha sharafta leh ee GMBXKH dhammaantood inay dib u eegis ku sameeyaan go'aankoodii 14/12/2016 isla markaana ay caddaalada iyo sharciga u hoggaansamaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]

Lifaaqo hoos ka eeg; cabashooyinka ayay khuseeyaan: