4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2016
Hay'adda Sovoyodo oo magaalada Bosaaso ku soo Bandhigtay 50 Arday oo xirfado loo samaynayo

Jimco, December, 16, 2016 (HOL) Hay’adda Sovoyodo oo shaqa abuur iyo xirfadaba u samaysa dhalinyarada Somaliyeed ayaa munaasabad ay ku qabatay magaalada Bosaaso ku soo bandhigtay dufcad-dii seddexaad oo arday ah, kuwaas oo loo qaatay in ay xirfado ka bartaan Sovoyodo.

Maamulka hay’adda ,mas’uuliyiin ka socday dowladda Puntland iyo inta badan ardayda loo qaatay barnaamijkan ayaa joogay munaasabad-dan oo looga hadlay ahmiyad-da ay leedahay in xirfado loo sameeyo  dhaliyarada Somaliyeed.

“Tirada ardayda ee hadda la qaatay waa 50 arday oo 30 kamid ah ay yihiin dumar ,waxaana la bari doonaa xirfado kala duwan oo ay nolol maalmeedkooda  kula soo baxi doonaan” ayuu yiri agaasimaha hay’adda Sovoyodo Ahmedwali Hassan Gooni.

“Markii aan aragnay ahmiyad-da ay leedahay in dhalinyarada laga baajiyo khatarta tahriibta waxaan garowsan-nay in aan samayn-no barnaamijkan “ ayuu mar kale yiri Gooni oo tilmaamay in xirfadaha wiilasha la barayo ay kala yihiin Korontada iyo soo dhaweynta.

Waxaa kaloo agaasimaha uu tilmaamay in gabdhaha la baro xirfado dhowr ah oo ay ku jiraan Dawaarka iyo Shaqo Guri (Housekeeping) ,isaga oo xusay in dhalinyaro badan laga baajiyay tahriib-ka.

Munaasabad-da waxaa ka soo qayb-galay xubno matalayay hay’adda Socco oo kormeerta mushruucan ardayda wax lagu barayo kaasi oo ay maal-galisay hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Afrika ee USADF.

Ugu danbayn,Xildhibaan Maax Colow oo ah madaxa arimaha Bulshada dowlad-da hoose ee degmada Bosaaso ayaa sheegay in dhankooda ay la shaqayn doonaan hay’adda ,isaga oo ka mahad-celiyay shaqo abuur loo sameeyay 100 dhalinyaro ah oo isugu jiray gabdho iyo wiilal.

Faysal M. Hassan
[email protected]