4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 16, 2016
Ehelada qoys xubno ka tirsanaa ciidamada AMISOM ay laayeen oo baaq u diray dawlada Soomaaliya

 

Jimco, Diseembar 16, 2016 [HOL]-Ehelada qoys xubno ka tirsanaa ciidamada AMISOM ay ku laayeen gobolka Shabeelaha Hoose ayaa baaq u diray dawlada Soomaaliya.

Ehelada qoyskaa ayaa baaqa u diray dawlada Soomaaliya kaasoo ay uga codsadeen in wax loo qabto gabar ayadu qoyskaa la laayay ka hadhay oo caafimaadkeedu iminka liito. Qoyskaa ayaa ka koobnaa 9 qof.

Ehelada qoyskaa ayaa doonaya in loo soo gurmado gabadhaa oo shoog ka qaaday wixii lagula kacay qoyskeedii iyo gumaadkii qoyskeedii lagu laayay.

Waxay ehelada qoyskaasi sheegeen in gabadhaa la siiyo baxnaano caafimaad hadii kale laga yaabo in walbahaar iyo qarracan ay u dhimato.

'AMISOM dab badan ayay naga laayeen. 9 qof hal qof ayaa ka nool halkiina si Alle og yahay ayuu ku nool yahay. Madfac ayay nagu rideen. Madfac ayaa nagu soo dhacay. Anagu meel la yiraahdo Farangalunga ayaan daggan nahay'. Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah gabadhaa eheladeeda oo u waramayay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho.

'Waxay ka tirsan tahay Janaale. Dawlada Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa inay gabadhaa xaaladeeda wax ka qabato oo ay caawiso'. Intaana wuu raaciyay. 

Ciidamada AMISOM ayaa marar badan lagu eedeeyay inay waxyeeleeyeen dad rayid ah qeybo badan oo Soomaaliya ah gaar ahaan Shabeelaha Hoose oo dadkii rayidka ahaa ee ay laayeen ay kujireen xubno dhowr ah oo ka wada tirsanaa hal qoys guri xaflad aroos lagu dhigaayay magaalada Marka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]