4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 16, 2016
Xalab magaalada ku caanbaxday tukashada 6 salaadood maalin walba

Jimco, Diseembar 16, 2016 [HOL]-Xalab dalka Suuriya ayaa noqotay magaalo ku caanbaxday tukashada 6 salaadood maalin walba.

Muddo lix sano ah ayaa iminka dagaal uu halkaasi ka socday. Duqeyn maalin walbo ah ayaa lala beegsanayay waayihii dambe ayadoo shacabku ay ku le'daan sidaa darteedna 5ta salaadood ee faradka ah ayaa waxaa lagu daray salaatul janaazo maalin walbo ah.

Salaatul janaazo ayaa 6 ku noqotay salaadaha sida caadiga ah looga tukado magaaladaasi Xalab.

Waxaa Xalab ka dagaalama jabhadaha Sunniyiinta ee mucaaradka ayadoo haatan la moodo in laga taag roonaaday in ayna ka baxaan gebi ahaanba la filaayo.

Ruushka iyo dawlada Bashaar al-Asad ayaa dusha kasoo duqeynayay ayadoo hoosna xabbad looga wado.

Haatan ayaa dadka shacabka ah laga daad gureynayaa magaaladaas ayadoo la filaayo dagaalyahanada wali halkaa ku harsana inay u huleelaan Idlib oo macood ay ku sugan yihiin.

Kudhawaad 3 kun oo rayid ah ayaa shalay laga daad gureeyay Xalab ayadoo basas looga daabulay.

QM ayaa sheegeysa in ilaa 50 kun oo qof ay wali Xalab ku go'doonsan yihiin.

Asbuucaan gudihiisa ayaa ciidamada Ruushka iyo ciidamada dawlada Bashar al-Asad waxay la wareegeen inta badan xaafadaha Xalab.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]