4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2016
Xoogagga Ahlu Sunna oo la wareegay xaro ay deganaayeen ciidammo ka tirsan dowladda

Khamiis, December, 15, 2016 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca la wareegeen saldhig ay deganaayeen ciidammada militariga dowladda Soomaaliya.

Goob joogayaal ku sugan degmada Caabud-waaq ayaa warbaahinta u sheegay in iska horimaad kooban oo dhacay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidammadii dowladda laga qabsaday saldhiga.

Ka hor inta aysan la wareegin xoogagga Ahlu Sunna saldhiga ayaa la sheegay in qeybo ka mid ah degmada laga maqlay rasaas xoogan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada degmada  hadda degan tahay, waloow meellaha qaar laga dareemayo xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay waddaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidammada militariga oo la xiriira saldhiga lagala wareegay.

Ugu danbeyntii, maamulka Ahlu Sunna ayaa siweyn uga soo horjeeda dowladda dhexe ee federaalka iyo maamulka Galmudug ee ka arimiya gobollada dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya