4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2016
Boosaaso: Rag hubeysan oo dhaawacay taliye-ku-xigeenka 3aad ee booliska Puntland

 


 

Khamiis, Diseembar 15, 2016 [HOL]-Rag hubeysan ayaa maanta dhaawacay taliye-ku-xigeenka 3aad ee booliska Puntland.


Raggaas oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa rasaas ku furay dhaawacayna taliye-ku-xigeenka 3aad ee booliska Puntland,Jaamac Saxardiid Cabdi asagoo markaa meel kasoo baxayay.


Isbitaal ayaa loola cararay Jaamac Saxardiid halkaas oo haatan lagu dabiibayo.

 

Dhacdadaa lagu dhaawacay Mr. Jaamac kadib ayaa ciidamada ammaanka ee Puntland waxay bilaabeen hawlgalo ay ku raad joogaan dableydii dhaawacday Mr. Jaamc.

 

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]