4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2016
Mid ka mid ah gadiidka AMISOM oo ku dilay haweeney da'ah magaalada Muqdisho

Khamiis, December, 15, 2016 (HOL) -  Mid ka mid ah gadiidka ciidammada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dul maray haweeney  da'ah waddada aada dhinaca garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee is-goyska KM4.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kolanyo gadiid ah oo ay la socdeen ciidammada AMISOM dul mareen haweeneydan oo da'deeda lagu qiyaasay 60-70 jira, oo isla goobta ku naf baxday.

Markiiba waxaa halka uu shilka ka dhacay ku soo xoomay qaar ka mid ah dadkii goobta ka agdhawaan oo hubsaday in ay dhimatay haweeneydan, waxaana siddoo kale gaaray halka falku ka dhacay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda federaalka.

Gadidka ciidammada AMISOM ee falka geystay ayaan iska sii wattay socodkooda, taasoo ka careysiiyay qaar dadkii goobta tagay ee ka qaaday meydka haweeneyda .

Ma'aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale gadiidka ciidammada AMISOM u dilaan dad rayid ah, madaama ay howli dheereeya ku socdaan marka ay marayaan jidadka Muqdisho iyaga oo cabsi qaba in qaraxyo lagu bartilmaameesado.

Ugu danbeyntii, waddada uu shilkan ka dhacay ee aada garoonka Aadan Cadde ayaa ah wadda aad ciriiri u ah oo dhagaxaan badan ku go'an yihiin, taasoo keentay in dadka iyo gadiidka intaba isticmaalaan hal dhinac oo kaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya