Wrar dheeraad oo la xiriira qarax xoogan oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Muqdisho [Sawirro]
Khamiis, December, 15, 2016 (HOL) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay meel ku dhaw guriga hooyooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaa maqaayada The Village ee degmada Xamar-weyne.
Gaariga oo xowlo dheereeye ku soo maray waddada hormarta guriga hooyooyinka ayaa la sheegay in uu rogmaday ka hor inta uusan qarxin, waxaana uu ku dhacay qeyb ka mid ah darbiga maqaayada oo bur bur uu soo gaaray.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo xayiray isku socodkii dadka iyo gadiidka waddada laamiga ah ee hormarta guriga hooyooyinka, iyaga oo halkaa ka wadda baaritaanno la xiriira qaraxa.
Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in afar ruux oo shacab ah oo ay ka mid ahaayeen wariyayaal ku dhaawacmeen qaraxa, halkaa qofka kaliya ee dhintay uu ahaa waddihii gaariga is qarxiyay.
Maqaayada The Village oo inta badan ay ku kulmaan wariyayaasha ka howlgala warbaahinta Muqdisho, shaqaalaha laamaha kala gadisan ee dowladda iyo dadka rayidka ah ee reer Muqdisho, ayaa marar badan oo hore siddan oo kale loo bartilmaameedsaday, waxaana ku dhintay dad u badnaa rayid oo ay ka mid ahaayeen wariyayaal.
C/raxmaan Diin, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
More News
- Xoogagga Ahlu Sunna oo la wareegay xaro ay deganaayeen ciidammo ka tirsan dowladda
- Boosaaso: Rag hubeysan oo dhaawacay taliye-ku-xigeenka 3aad ee booliska Puntland
- Lix askari oo lagu dilay qarax ka dhacay maanta Ex-koontarool Afgooye dulleedka Muqdisho
- Mid ka mid ah gadiidka AMISOM oo ku dilay haweeney da'ah magaalada Muqdisho
- Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
- QM oo ugu baaqday madaxweyihii hore ee Gambia Yahya Jammeh in uu xilka ka dego
- Ciidamada ammaanka DF oo hawlgalo Ka sameeyay Muqdisho
- Nolasha dumarka muruqmaalka ah ee ku dhaqan magaalada Hargeysa
- Sarifka lacagaha oo isbadal ku yimid Soomaaliland
- Munaasabad loo qabtay xildhibaanada labada aqal ee lagu soo doortay Jowhar
- Go'aankii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo laga soo horjeestay






