4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2016
Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Khamiis, December, 15, 2016 (HOL) - Qarax weyn oo loo maleynayo in uu yahay weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhaw ka dhacay agagaarka gurigii Hooyooyinka ee ka soo hor-jeeda xarunta tiyaatarka Qaranka Muqdisho, waxaana jira durbaba warar kala duwan oo ka soo baxay qaraxa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari lagu soo raray walxaha qaraxa  oo lala eegtay maqaayada The Village ee ku taal Guriga Hooyooyinka.

Xiliga uu qaraxu dhacay ayaa la sheegay in ay goobta ku sugnaayeen dad u badnaa rayid, waxaana xusid mudan in maqaayada la bartilmaameedsaday tiro dhowr jeer oo hore siddan oo kale loogu qaaday weeraro loo adeegsaday gadiid walxaha qaraxa laga soo buuxiyay.

Wixii warar ah ee soo kordha waan idin soo gudbin doonnnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya