4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2016
QM oo ugu baaqday madaxweyihii hore ee Gambia Yahya Jammeh in uu xilka ka dego

 

Khamiis, Diseembar 15, 2016 [HOL]-Ergayga QM ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxweynaha doorashada looga adkaaday ee Gambia Yahya Jammeh uu xilka wareejiyo.

Mohamed Ibn Chambas oo ah ergayga QM ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Jammeh loo baahan yahay inuu xilka wareejiyo ugu dambeyn bisha Janaayo 2017 markaas oo waqtiga xilkaa uu hayo uu ku eg yahay. Mohamed Ibn Chambas ayaa ugu baaqay Jammeh inuu xilka ku wareejiyo Adama Barrow oo doorashadii dhawaan dalkaa ka dhacday ku guuleystay.

Mohamed Ibn Chambas ayaa sheegay in uu Jammeh xilka sii heyn karo ilaa laga gaaro 19ka Janaayo.

Jammeh ayaa dhawaan sheegay in doorashada looga adkaaday balse markii dambe wuxuu sheegay in ay tahay in doorashada lagu noqdo.

Jammeh ayaa dalkaa xukumayay 22 sano kadib markii 1994 uu jagada ku qabsaday afgambi.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]