4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2016
Ciidamada ammaanka DF oo hawlgalo Ka sameeyay Muqdisho

Khamiis, Diseembar 15, 2016 [HOL]-Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa hawl galo ka sameeyay qeybo ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho xalay.

Hawlgaladaa ayaa ammaanka lagu sugayay sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan ciidamada ammaanka. Ammaanka la sugayo ayaa ku soo aaday xili wali doorashooyinkii ay Soomaaliya ka socdaan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay waqtiga doorashooyinka ay weeraro qaadi doonto ayadoo xarakada Al-Shabaab ay doorashooyinka ka soo horjeedo.

Dhawaan qaraxyo ayaa ka dhacay Muqdisho ayadoo qarax ka mid ah kuwaa oo ka dhacay agagaarka dekada Muqdisho ay ku naf waayeen in ka badan labaatan qof.

Dad kale oo badan ayaa qaraxaa ku dhaawacmay waxaana inay ka dambeysay sheegatay xarakada Al-Shabaab.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]