4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2016
Nolasha dumarka muruqmaalka ah ee ku dhaqan magaalada Hargeysa

 

 

Khamiis,Diseembar, 15, 2016 (HOL)- waxa magaaladda Hargeysa ku soo badanaya haweenka muruqmaalka ah oo aroor kasta usoo kalaha sidii ay dad kale ugu shaqayn lahaayeen, kuwaas oo inta badan dhaqa dharka, guryaha iyo xafiisyada.

 

Haweenka inta badan u shaqaysta si maalinle ah ayaa ku soo badanaya magaalada Hargeysa, waxaanay xarun ka dhigteen garoonka xawaadle ee magaaladda Hargeysa oo inta badan loogu yimaado, waxaana meesha kaliya ee magaaladda Hargeysa loogu yimaado haween ku raacaya hadba meesha shaqadda maalinta uga hayso.

 

Dumar badan oo danyar ka muuqato ayaa xafiiska loogu soo hagaago ka dhigta garoonka Xawaadle, waxaana arkaysa mar kasta oo ag marayso haween usoo baratamaysa gaadiidka goobtaasi istaaga oo ay moodayaan in gaadhigii soo istaaga shaqo u hayo.

 

Hal mar inta ay soo wada cararaan ama usoo kala barataan ayey kugu odhanayaan “walaalo maxaanu ku qabana maxaad u baahan yahay, ma dhar baan ku maydhnaa, ma guri ma xafiis”ayey dumarkaasi judhiihba kugu bilaabayaan.

 

Faadumo Cumar waa gabadh dhallinyaro ah oo da'a haan  35 sanno una shaqaysa qoys ka kooban 10 qof, waxaanay sheegtay inay u soo kallahday sidii ay noloshooda u deberi lahayd, waxaanay sheegtay in qoyskooda ay iyadu u shaqayso, Aabbohoodna wakhti hore dhintay.

 

 

 

 “anagu agoon ayaanu nahay oo Aabbo ayaa dhintay bari dhawayd, aniga ayaa guriga u nin ah,waxaanu nahay tobon carruur ah, mar mar inamada ayaa ilaahay wax noogu soo dhibaa,iskuul wax nogu jiraana ma jiro” ayay tidhi Faadumo Cumar oo wajigeeda ay ka muuqato duruufta nololeed ee ay ku sugan tahay.

Waxaanay sharaxday shaqooyinka ay qabtaan ee ay subax kasta u soo kalahaan iyo sida ay ku helaan una kala qaybsadaan,waxaanay sheegtay inay ka shaqeeyaan maydhista dharka,guryaha iyo wax kasta oo fudud oo maalinlaha lagu qabto.“Dharka ayaanu maydhnaa, guryaha ayaanu maydhnaa wixii nalo diraba waanu qabanaa ,waxba ma diidno wixii Alle naga soo hor saaraba waanu qabana,halkanna waxaanu ku sugnayn afar sanno”ayey tidhi Faadumo oo ka hadlaysa sida u shaqayso.

 

Maryan oo iyana ka mid ah dumarkan ayaa sheegay in maalina ay shaqo helaan maaalina aanay helin, waxaana goobtan noo tahay xarunta dadku nagu bartay oo mid kasta oo haween doonaya inay dharka ku maydhaan noog yimaadaan.

 

 “mararka qaarkood Koox koox ayaanu u shaqaynaa oo waanu is wada raacnaa haddii afar qof la doonayo waanu is raacnaa, waa la is kaashadaa... Haddii aanu konton doollar aanu helo oo aanu afar nahay sidii naloo siiyo ayaanu u shaqaynaa,tiradayadu konton kor ayay u dhaafaysaaa” ayay tidhi Maryan.

  

Qof kasta oo shaqo qabanaya waxa uu shaqadaasi kala kulmaa culays iyo cadaadis faro badan. Maryan waxay sharaxaysaa shaqadan ay dumar ahaan qabtaan iyo culayskeedii, iyo marka ay halkan ka waayaan waxa kale ee ay qabtaan ma sida ay shaqo ku helaan.

 

“Markaannu halkan shaqo ka wayno gurigayga ayaanu ku noqonaynaa,haddii shaqo naloo dhiibo sidii ay tahay ayaanu u qabanaynaa...Ta noogu culus ayaa ah dharka iyo guryaha la maydhayo,culuys badan ayay nagu haysaa, aroor aroor ayay naftu ku odhanaysaa haba tagin illayn bila'aadan baad tahay'e”ayey tidhi Maryan.

 

Dalka  waxa ka jira duruufo nololeed oo kala duwan, dumar badan  ayaa u tafa xayta sidii ay nolosha reerohooda u deberi lahaayeen ,kuwaasi oo qoysas badan ka biiliya hawl maalmeedkoodaa kallahaadda ah.

 

Dumarkan ayaa dar ilaahay u aamina qofka u yimaada ee shaqo ka doonaya, waxaanay iska raacaan gaadhiga u yimaada ee u sheega inay shaqo u hayaan, waxaanay sheegeen in ilaahay badbaadiyo oo iyagu muhiimadda kowaad ka dhigteen uun inay shaqo helaan balse aanay qofka is raacayaan oo u badan rag ama dumar ee gaadhiga ku qaadanaya aanay ka shakiyin.

 

Sidoo kale, waxa iyaguna magaalooyin qaar ku soo badanaya dumarka Kuuliga noqonaya ee ka qaybqaadanaya ama u shaqo tagaya guryaha la dhisayo oo sida raga camuudda iyo dhagaxa lagu dhisayaba gurayo taas oo ah shaqo adag oo dumarku qaban Karin, balse noloshu ku qasabtay inay qabtaan.


Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland