4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 15, 2016
Sarifka lacagaha oo isbadal ku yimid Soomaaliland

Khamiis,Diseembar 15,2016 (HOL)-Dadweynaha danyarta ah ayaa si weyn uga cabanaya hoos u dhaca ku yimid shilingkii Somaliland ka dib markii isku bedelka lacagta uu sicir barar ku dhacay.

Toddobaadyaddii u dambeeyey ayaa maalinba maalinta ka dambaysa ka sii daraysa hoos u dhaca ku yimid Shiling Somaliland, halka uu kor u kacay lacagta qalaad ee dollar oo si weyn looga isticmaalo Somaliland.

Sarrifka lacagta doollar oo aan cago adag ku taagnay markii hore ayaa hoos u dhacay ku yimid, labadii toddobaad ee u dambeeyey, boqolka doollar ayaa hadda lagu sarrifayaa sideed boqol oo kun iyo dheeraad, halka markii hore lagaga sarrifayay 750,000 (toddoba boqol iyo kotan kun oo shillin).

Maxamed Xasan Cali oo ka mid muruqmaalka magaalada Hargeysa oo aanu wax ka weydiinay saamaynta u sarrifka dollarku ku yeeshay noloshiisa ayaa ku dooday “Saamay xun ayuu igu yeeshay walaal tusaale ahaan laba toddobaad ka hor maalintii waxaan ku qadayn jiray hal doollar oo u dhigma 7,500 slsh, balse hadda waxaan ku qadeeyaa sideed kun SHSL ah”.

Sidoo kale, sarifleyaashii ayaa mararka qaarkood aan hadda ku sarifeen shilling Somaliand haddii aad u baahato dollar kuma sarifayaan, taasina waxay keentay hoos u dhac ku yimid lacagta, waxaanay sarifleyaashu ku doodayaan inay marka sidaas oo kale dhacdo tahay marka lacagta Somalialnd ku soo badato doolarkuna ku yaraado.

Haseyeeshee, Baankii dhexe ee maareyn lahaa ayaa meesha ka maqan, waxaana qiimaha jara sarifleyaasha waaweyn oo iyagu go’aamiya hadba waxa lagu sarifayo.

“waxa sababay kor u kaca sarifka lacagta Doolar waxa lacagta adag laga heli jiray wuxuu ahaa adhiga, adhigiina imika wuu taagan yahaw oo waxba lama iibsado ama xoolihii way joogsadeen, sida caadiga ah baanka Dhexe ee Somaliland ayaa lacagta ilaaliya dee intii yarayd ee uu Madaxweynuhu ku maqnaa safarka gobolada bariga ayaan wax lacag ahi tagin bangiga, taas ayaa keentay is bedelka ku dhacay sarifka”ayuu yidhi mid ka mid ah sarifleyaasha oo ka hadlayey qiimo jabka  ku yimid lacagtii Somaliland.

Sarifleyaasha ayaa kor u kaca ku yimdi doolarka ku eedeeyey shirkadaha waaweyn iyo lacagta Mobile ku jirta oo ay sheegeen in lacagtaasi mobile ku dhex wareegaysa sababta ugu weyni tahay in sicir barar laga bixi waayo mudaddii ay soo baxeen.

“waxa lagu xalin karayaa horta waxa weeyaan shirkadaha waaweyn sida dahabshii, Telesom ayaa saamayn ku leh ,Zaadka oo kale isagu saamayn weyn ayuu ku leeyahay isna oo  lacagtii iyaga ayaa haya inaga hawo ayaa la inaga iibinaya dee hawanna  doollar noqon mayso”ayuu yidhi Axmed Cabdi oo ka mid ah sarifleyaasha magaaladda Hargeysa.

Ugu dambeyntii, saameynta ugu badan ee hoos u dhaca ku yimid lacagta Somaliland ku leedahay waa danyarta laga rabo inay wax ku iibsadaan lacagta Doolar oo iyagu haysta shilling Somaliland ama dawlada u shaqeeya oo iyagu mushaharkoodda ku qaada lacag Somaliland, kuwaas oo meceeeshaddii ay iibsanayeen iyo adeegii kale ee ay u baahnaayeen laga rabo inay doolar siistaan, taasina waa inay lacagtan shilling Somaliland u bedeleen dolar si wax ugu iibsadaan, taasina waxay dhibaato badan ku haysa dadkaasi oo noloshooddu halis ku jirto, halka meherado badan la sheegay in mudaddii uu sicir bararku jiray ku kaceen oo albaabadda loo laabay.

Dadweynahan ayaa xukuumadda usoo jeediyey inay wax ka qabtaan ama xilalka ay hayaan iskaga tagaan, maadaama oo noloshii dadweynuhu ku sii adkaanayso.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.