4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 15, 2016
Go'aankii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo laga soo horjeestay

Khamiis, December, 15, 2016 (HOL) -- Maamul gobolleedyada dalka ka jira ayaa intooda badan ku gacanseyray go'aankii guddiga xalinta khliaafaadka doorashada dadban ku baabi'iyeen natiijada doorasho 11 kursi oo ka mid ah xildhibaannada la soo doortay oo ay ku eedeeyeen in aysan ku iman sifo sharci ah.

Maamullada K/galbeed, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay go'aanka guddiga xalinta khilaafaadka, iyaga oo sheegay in tallaabadan noqon karta mid shaki badan abuurta, madaama sidda ay hadalka u dhigeen kuraasta leys hortaag yihiin kuwo dhamaantood waafaqsan sharciga doorashada.

Guddoomiyaha guddiga doorashada dowlad gobolleedka Puntland Khaliif Aw-Cali ayaa sheegay in aysan quseyn go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku go’aamiyeen in dib loogu laabto xubno lagu doortay Magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland.

Waxaa uu intaa ku darray  in doorashada labada kursi ee ka dhacday Garowe aysan ku jirin wax muran, isla markaana ku dhacday qaab waafaqsan sharciga, isagoo ku tilmaamay go’aanka Guddiga xalinta khilaafaadka in uu ahaa mid aan sax aheyn.

Dhinaca kale, madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa munaasabad xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho shahaado ku gudooonsiiyay labada xildhibaan ee magacyadooda lagu soo darray liiska xildhibaannada dib loo celiyay oo kala ahaa wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha Max'ed C/llaahi Xassan Nuux iyo wasiir ku-xigeenka beeraha C/siis Saalax Carmaan.

Maamulka K/galbeed ayaa dhinacooda ku tilmaamay go'aanka guddiga doorashada heer federaal ku diideen xildhibaannadan mid la musuq maasuqa oo laga leeyahay dano gaar ah, iyaga oo intaa ku darray in marnaba dib ugu laaban doonin doorashada shanta kursi ee liiska ka muuqda kuwaa oo ka mid ah xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

Ugu danbeyntii, dad badan ayaa is weydiinaya sidda guddiga doorashada dadban ee heer federaal u meel marin doonaan go'aanka ka baxay, mar haddii ay arintaa ka soo horjeesteen dowlad gobolleedyada dalka oo saameyn ku leh marka la eego geedi socodka doorashada,  gaar ahaan waxaa jira shaki badan oo laga qabo ilaa xad madaxbanaannida guddiyadan doorashada ku shaqada leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya