4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2016
Maamulka K/galbeed oo ku gacanseyray go'aankii ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka

Arbaco, December, 14. 2016 (HOL) - Iyadoo maanta guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay soo saareen liiska xildhibaanno la joojiyay natiijadoodii doorasho, ayaa dhinaca kale waxaa arintan durbaba jawaab ka bixiyay maamulka K/galbeed oo ku gacan-seyray go'aanka guddiga.

Maamulka K/galbeed ayaa ku tilmaamay go'aanka guddiga doorashada mid siyaasadeysan oo laga leeyahay ujeedo kale, iyaga oo intaa ku darray in xildhibaannada la joojiyay ee lagu doortay magaalada Baydhabo yihiin kuwo ku soo baxay sifo sharci ah.

Dhinaca kale, guddiga doorashooyinka dadban ee maamulka Koonfur galbeed ayaa ku gacan seyray qoraalka guddiga xalinta khilaafaadku ku diideen shan ka mid ah xildhibaanadii lagu doortay Baydhabo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaannada lagu doortay magaalada Baydhabo lagu amray in aysan qaadan kaararka aqoonsiga, taa oo looga jawaabayo go'aanka guddiga xalinta khilaafaadka oo liiska ay soo saareen ku soo darray ilaa shan xildhibaan oo laga soo doortay maamulka K/galbeed.

Ugu danbeyntii, guddiga doorashada maamulka K/galbeed ayaa sheegay in go'aanka soo baxay yahay mid la musuq-maasuqay islamarkaana dhinacooda ku laaban doonin doorashada shanta kursi ee ku soo baxay liiska xubnaha dib loo celiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledwyene, Soomaaliya