4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2016
RW Sharm'arke oo deg deg ugu anbabaxay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta

Arbaco, December, 14, 2016 (HOL) - RW xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe, ayaa maanta ka anbaxay magaalada Boosaaso isaga oo u kicitimay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta

Safarka ra'iisal wasaaraha oo ahaa mid deg deg ah lama faah faahin ujeedada ka danebysa, hasse ahaatee waxaa la oran karaa waa safar xiriir la leh olalaha doorasho,  iyadoo dhawaan la fillayo in la qabto doorashada madaxwyenaha oo Cumar C/rashiid ka mid yahay musharixiinta u taagan.

Dowlada Iskutaga imaaraadka ayaa u muuqata xiligan mid saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan doorashada madaxweynaha oo siyaasiyiin tiro badan xiligan u taagan yihiin.

Maalintii shallay ayeey aheyd markii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud boqasho ku tagay safaarada Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho isaga oo sheegay in xiriirka labada dal yahay mid wanaagsan.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii kulan ku dhaxmaray magaalada Garoowe, RW Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke, madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max'ed Cali Gaas, C/raxmaan Max'ed Max'uud Faroole iyo siyaasiga C/risaaq Jurile oo ay ka wadda hadlleen arrimaha doorashada.

Ugu danbeyntii, maalmo kooban ayaa ka dhiman waqtiga loo asteeyay in la qabto doorashada madaxweynaha  oo ku beegan 28 bishan December, waxaana ay dad badani qabaan in doorashadan tahay mid xiiso badan doorashooyinkii ka horeeyay marka la eego saameynta siyaasadeed oo ay leedahay iyo siyaasiyiinta isku arki doona.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya