4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2016
Wafdi ka socda Jabuuti oo Hargeysa kula shiray madaxweyne Siilaanyo


Arbaco,Diseembar, 14, 2016 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socday dawladda Jabuuti oo uu hor kacayo wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan, taliyaha guud ee ciidanka Booliska Jabuuti, Gaashaanle sare Cabdilaahi Cabdi Faarax, taliyaha qaybta socdaalka Jabuuti Cabdiqaadir Ibraahim Gona, madaxa la dagaalanka Argagixisadda Cilmi Daahir, la taliyaha wasiirka arrimaha gudaha Cabdiqaadir Fathi iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaliye .

Wefigan Jabuuti ayaa sheegay inay casuumad rasmi ah ka heleen dhigoodda Somaliland ee wasiirka Arrimaha gudaha SOmalilnad Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Farotoon.

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay weftiga Jabuuti markiii uu dhamaaday waxa warbaahinta ka hadlay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr iyo wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed Burhaan.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland mudane, Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo warbaahinta faahfaahin ka siinaya kulankan weftiga iyo madaxweynaha  ayaa sheegay inuu ahaa sii xoojinta xidhiidhka labadda wadan u dhexeeya.

“Guud ahaan booqashadani waxay daba socotay wefti ka socda wasaaradda arrimaha gudaha oo uu hogaaminayo agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda arrimaha gudaha imikana ah safiirka magacaaban ee Somaliland u fadhiya Jabbuuti balan uu ka soo sameeyey xukuumadda Jabbuuti oo ah in 14-ka bisha oo maanta ah inay halkan Somaliland noogu yimaadan booqasho way fuliyeen, aniga oo afka madaxweynaha ku hadlaya iyo afka xukuumaddaba waxa aan uga mahad naqayaa walaaladay weftigaa qiimaha badan leh ee ay halkan noogu yimaadeen.”ayuu yidhi Xuseen Deyr.

Waxaanu intaas ku daray “Madaxweynaha waxay u gudbiyeen salaan ay uga sidaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo hoosta ka xariiqay sida madaxweynuhu u danaynayo wada jirka, walaaltinimada iyo wax wada qabsashada labada Jamhuuriyadood, madaxweyne Axmed Siilaanyo laftiisuna wuxuu wasiirka iyo xubnaha kale u furay inay salaan diiran ka gaadhsiiyaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle; sidaas daraadeedna la dardar galiyo wixii dadka ka dhexeeya.”

“Walaalayaal nin Canfara ayaan ahay oo Afsoomaali ayaan ku hadli hadaan qaldo iga raali ahaada. Aniga iyo weftigaygu waxa aanu u nimi arrin weyn oo sida aad u garanaysiin Jabbuuti iyo Somaliland laba dal oo walaalo, laba shacbi oo walaal ah, shacbi ahaan taariikh weyn…. Markaa farriin ayaanu u keenay madaxweynaha, farriinta madaxweynihii ayaan u dhiibnay oo  saxaafadu ma leh oo xagan kama sheegayo, laakiin waxa aanu u nimi dhul ahaan in aanu xuduudka labada dal si fiican u xoogayno; walaalayaal mushkilad way dhici karta laakiin mushkilada rag ayaa u joog baa xaliya, dhul kasta way ka dhacdaa mushkiladu laakiin mid ogaada in aanu nahay laba dal oo aan kala maarmin”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti Burhaan.

“Aniga madaxweynuhu si fiican ammar-buu siiyey inaa si fiican u xoogayno xidhiidhkeena”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ugu dambayna waxa halkaa ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Yaasiin Faratoon oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen “waxa aanu soo dhawaynaynaa weftiga ka socda jabuuti kulankii ay madaxweynaha yeesheena waxa uu ahaa mid lagu soo qaaday arrimaha labada dal wixii tafaasiil ah ee dheeraadana waxaanu ka wada hadli doonaa oo shirar danbe ayaanu leeyahay weftigu intay dalka joogaan”

Weftigu markii ay soo gaadheen dalka waxa ay soo kormeereen xarunta dab-damiska Caasimada Hargeysa, waxaana halkaasi warbixin ku siiyey taliyaha guud ee ciidanka Dab-damiska Somaliland gashaanle sare Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), waxaanay weftigani inta ay ku sugan yihiin Somaliland la filayaa inay kulamo muhiima la qaataan wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland