4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2016
Hayada Hufnaanta ee Transparency International oo hayadaha samafalka ee ka hawlgala Soomaaliya eedeysay

 

Arbaco, Diseembar 14, 2016 [HOL]-Warbixin ay qortay hayada hufnaanta ee Transparency International ayaa hayadaasi ku sheegtay in Soomaaliya hayadaha samafalka ee ka hawl gala ay ku dhaqmaan musuq baahsan.

Hayadaasi hufnaanta ee Transparency International ayaa khaas ahaan xustay in musuqmaasuq uu gaar ahaan hareeyay qaabka ay u shaqeeyaan hayadaha aan dawliga ahayn ee samafalka ee Soomaaliya ka hawlgala. 

Waxay hayada hufnaanta ee Transparency International ku nuuxnuuxsatay in musuqmaasuq uu ka jiro nidaamka loo bixiyo qandaraasyada, shaqooyinka, qiimaha qandaraasyada ee la jaan gooyo iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Waxay kaloo hayada hufnaanta ee Transparency International sheegtay in dhanka qeybinta gargaarka baniaadminimo uu musuqmaasuq ka jiro.

Hayada hufnaanta ee Transparency International ayaa sheegtay inay ayagu qiimeeyaan qandaraasyada taasoo laga been sheego. Waxay hayadaasi sheegtay in sharuudo qallafsan ay hayadahaasi ku xiraan qandaraasyada.

Hayada hufnaanta ee Transparency International ayaa sheegtay in ay ku takrifalaan shaqaaleynta. Hayada hufnaanta ee Transparency International ayaa xustay in hayadahaasi go'aamiyaan cidda ay siinayaan mucaawinada ay bixinayaan.

Hayada hufnaanta ee Transparency International ayaa sheegtay inaysan jirin dadaalo socda oo musuqmaasuqa jira wax looga qabanaayo.

Lacago ay kala qaateen hayado si ay wax isu siiyaan una wadaagaan qarajka oo laaluush ah ayay sheegtay Transparency International in Nairobi lagu kala qaatay.

Hayad ayaa bixisay $10,000 si ay mid kale oo qarash meel ku og ula shirkowdo si qarash [funds] hadhow loo siiyo!

Gorgorta ayaa gaarsiisneyd laaluush dhan $30,000. Hayad caalami ah ayaa ka goosatay boqolkiiba konton (50%) qarash loogu dhiibay dad masaakiin ah oo tabaaleysan.

Gobolo Shabeelaha Hoose uu ka mid yahay ayaa qarashkii loogu tala galay waxaa hayadaha samafalku ka qaateen 40% waa sida warbixintu xustay.

Hayada hufnaanta ee Transparency International ayaa ku talisay in la taageero lana xoojiyo hayadaha dusha kala socda shaqada hayadaha aan dawliga ahayn (NGOs).

Hayada hufnaanta ee Transparency International waxay kaloo ku talisay in lacagaha si toos ah ka faaiideysteyaasha dhibban loogu diro baddalkii hayadaha aan dawliga ahayn loogu dhiibi lahaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]